Ministry of Transport opens a New Vehicle Inspection and Safety Centre in Sahil Region

The Director-General of the Ministry of Transport and Road Development, along with other officials from the Ministry and Sahil region, opened the vehicle inspection and safety center in the city, near the International Port of Berbera.

The vehicle inspection and safety center will from now on check all vehicles imported into the country and those already plying the roads based on the government’s policy on road safety in the country, the new center was set up by Alpha BBG, a company that won the contract to provide the service in Sahil region.

The inauguration ceremony was held at the BBG headquarters and was attended by the Director General of the Ministry of Transport and Road Development, the Director of the Ministry’s Transport Department, members of the Sahil Regional Administration, Berbera District, representatives from car companies, and board official’s national human rights and other dignitaries.

Hon.  Abdirashid Mohamed Haji Yusuf MP from Alpha BBG, who spoke at the ceremony, spoke about the company’s history and the services it will provide.

He added that Somaliland Ministry of Transport and Road Development previously submitted a tender with the National Tender board for Vehicle and Safety Inspection contract and that Alpha Group were the out of the eleven privately owned firms submitting the bids for the contract, in Sahil region.

The new Vehicle and Safety Inspection center will ensure that the safety of our Somaliland society depends on three things. “These three things are training a professional driver, getting a good road, and getting good transportation,” he said.

Sahil Deputy Governor Mohamud Ahmed Sand here, Rhoda Ahmedyasin of the National Human Rights Commission, Sahil Region Politician Sheikh Saleban, Berbera District Deputy Mayor and members of the transport companies who addressed the event, said This center is very important to ensure the safety of the vehicles used in the country and the constant loss of life and property caused by accidents.

They commended the Ministry of Transport and Road Development for setting up the initiative and the policy to guide the service, which will supervise investors awarded the contract to deliver the equipment and establish the facilities.

The Director General of the Ministry of Transport and Road Development, Omar Sayid Abdullahi Adan, concluded the event by elaborating on the purpose behind the establishment of vehicle inspection and safety centers and the ministry’s achievements.

He said a study of the causes of most traffic accidents has revealed that poor car quality and roadworthiness play a significant role in the deaths and economic devastation of Somaliland.

“Accidents in the country are very, very high and we have lost a lot of people, so working together to reduce the number of accidents in the country. This public car safety program instructs us to get into the vehicle insurance system. “It instructs us to use transportation in the same way as the rest of the world, but if we involve politics these things won’t work”, he said.

The director-general added that when a person purchases a used vehicle worth ten thousand dollars, you must check your car’s mechanical and performance systems. The cost of the check is less than forty dollars per vehicle

At the end of the ceremony, the first vehicles were inspected and their general condition was checked.

 

 

Wasaaradda Gaadiidka oo gobolkii saddexaad ka furtay xarunta badqabka Baabuurta

 

Hargeysa(W.Gaadiidka)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil, ayaa xadhigga ka jaray xarunta hubinta badqabka gaadiidka oo laga hirgeliyey magaaladaasi, gaar ahaana  dekedda Caalamiga ah ee Berbera meel u dhaw

Xaruntan oo ka shaqayn doonta  hubinta badqabka Baabuurta Dekedda ka soo degta iyo kuwa magaalada ka shaqeeya laftooda, nooceedana hore looga sameeyey magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, qorshaha lagu aasaasayna salka ku hayo siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan ilaalinta badqabka gaadiidka dalka lagu isticmaalo, ayaa waxa aasaasay shirkad la yidhaahdo Alpha BBG oo ku guulaysatay qandaraaska bixinta adeeggaas ee gobolka Saaxil.

Munaasibada daah-furka adeeggan oo lagu qabtay xaruntan shirkadda BBG, waxa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jiidadka, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaraddaasi, xubno kamida maamulka Gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, Wakiillo ka socday shirkaddaha Baabuurta, masuuliyiin ka tirsan guddida xuquuqal-iinsaanka qaranka iyo marti-sharaf kale.

Xildhibaan Cabdirashiid  Maxamed Xaaji Yuusuf oo kamida maamulka Shirkadda Alpha BBG oo ugu horayn xafladdaasi ka hadlay, ayaa ka waramay sooyaalkii aasaaska shirkaddan iyo adeegyada ay qaban doonto.

Waxa uu sheegay in adeeggan ay ku guulaysatay shirkaddiisu “horaantii sanadkii 2019 ayaa guddida qandaraasyada loogu tartamay bixinta adeeggan gobolada oo dhan. magaalada Berbera oo aanu maanta mashruuca ku daah-furayno waxa ku tartamay 11 shirkadood, waxaana ku guulaystay shirkadda BBG.

Markaa BBG, waxa ay ka shaqayn doontaa, badbaadada bulshadeena somaliland waxa ay ku xidhan tahay saddex shay. saddexdaa shay waxay kala yihiin in la helo darawal xirfad leh, in la helo waddo wanaagsan iyo in la helo gaadiid wanaagsan.”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Axmed Sandheere, Rooda Axmedyaasin oo kamida guddida Xuquuqal-iinsaanka Qaranka, Siyaasi Sheikh Saleeban oo kamida Ganacsatada gobolka Saaxil, Maayir ku-xigeenka Degmada Berbera iyo xubno kamida maamuleyaasha shirkaddaha gaadiidka oo xafladaasi hadallo ka jeediyey, ayaa tilmaamay in xaruntani ahmiyad weyn u leedahay xaqiijinta nabad-gelyada Baabuurta  dalka lagu isticmaalayo oo naf iyo maalba khasaare joogto ah shilalkoodu sababaan.

Waxa ay suurtogelinta adeeggan ku bogaadiyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo dejisay hindisaha iyo siyaasadda lagu hagayo adeeggan, isla markaana ku kormeeri doonta maalgashadeyaasha qandaraaska lagu siiyey keenista qalabka iyo aasaaska xarumaha.

“waxa kale oo adeeggani qofka gaadiidlaha ah u sahlayaa in aanu kharash kaga bixin in uu marba geerash tago oo uu iibsado alaab aanu u baahnayn iyo in uu ku kalsoonado gaadhiga uu wato”ayuu yidhi Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Sandheere oo balanqaaday in ay maamul ahaan la shaqayn doonaan shirkaddan laga furay magaalo madaxda gobolka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan oo gebagebadii munaasibada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeedada ka dambeysa hirgelinta xarumaha hubinta badqabka gaadiidka iyo wasaarad ahaan wixii ku dhaliyey.

Waxa uu sheegay in markii la dersay sababta ay inta badan u dhacaan shilalka gaadiidku la ogaaday in tayo-xumida Baabuurta iyo sugnaan la’aanshiyaha xaaladoodu door weyn ku leedahay dhacdooyinka dhimashada iyo dhaqaale burburka joogtada ah ku haya bulshada Somaliland.

“Shilalka dalka ka dhacaa aad iyo aad ayey u badan yihiin, dad badan oo haldoor ah ayeynu ku waynay, sidaas darteed innagoo midaysan oo gacmaha is haysana waxa loo baahan yahay sidii loo yarayn lahaa shilalka waddanka ka dhacaya..

Barmaamujkan badqabka Baabuurta dadweynuhu waxa uu ina farayaa in aynu ku galno nidaamka caymiska gaadiidka. waxa uu ina farayaa in aynu gaadiidka u adeegsano sida caalamku u adeegsado, laakiinse haddii marka aynu siyaasaddaha fulinayno mucaaridad iyo ficiltan dhexgelino arrimahaasi inooma hirgelayaan”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa tusaale ka bixiyey mashaakilka hubin la’aanta gaadiidku leedahay iyo jawaabta uu adeeggani ka bixinayo caqabadahaasi. “Qofbaa laga yaabaa in uu gaadhi soo siisto lacag toban kun oo dollar ah oo uu dhowr sanno shaqaynayey, waxa aynu rabnaa in aanu qofkaasi gaadhiga iyo lacagtu iska raacin ee waxaynu u baahanahay in aynu hubino gaadhigaasi in uu badqabo, tayadiisa, lacagta lagu hubinayaana waa wax afartan doollarba ka yar”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidku waxa uu intaasi ku daray in aanu adeeggani ahayn mid jujuub lagu samaynayo amma dadweynaha lagu khasbayo ee waa mid qof waliba u baahan yahay “gaadhiga waxaad ku qaadaysaa xaaskaagii, carruurtaadii amma dadkii aad jeclayd, sidaa darteed adigaa u baahan in aad dhowrkii biloodba mar hubiso xaalada Gaadhigaaga”ayuu mar kale yidhi Agaasimaha oo xusay in xarumahan laga hirgelin doono guud ahaan gobolada dalka oo dhan.

Ugu dambeyn gunnaanadkii xaflada waxa halkaasi lagu baadhay Baabuurtii u horaysay oo la hubiyey tayadooda iyo badqabka xaalado



Leave a Reply

%d bloggers like this: