Minister of Transport opens a New Road in the Southern Outskirts of Burao

Burco-The Minister of Transport and Road Development of the Republic of Somaliland, Hon. Abdallahi Abokor Osman opened the new Hawd Road in Burao town, which was built by the Somaliland Roads Development Agency.

Mr. Mustafa Farah Qallem, the deputy director of Somaliland Roads Development Agency who headed the construction works said that the new roads begin at Waasac Petrol Station and end at the Hawd control.

“We are opening here today the Hawd Road, a road developed by the Somaliland government, the Ministry of Transport and Road Development and the Roads Authority and together with the local government. In this neighborhood two months ago the Minister of Transport promised to complete this road, we have completed it, and we will complete the rest.

The mayor of Burao, Mr. Mohamed Yusuf Abdirahman Murad, also spoke about the completion of the road, which has been in the pipeline for some time but has now been completed. Today we’re opening the new road which begins from Bar Siigo to Hawd Road though there are some few places that still remains but we have completed most of it and we are in the process of constructing the drainages.

The Governor of Togdheer region speaking during the ceremony said, “This is the road, according to the elders is where the overflows converge from the rest of the city.

Finally, the Minister of Transport and Road Development of the Republic of Somaliland, Mr. Abdillahi Abokor Osman, said, “I am happy that today we have completed part of a project that has been waiting for us for a long time. The two-kilometer (2km) road we completed today.

“It’s not easy to build a road, and you must make drainages to drain the water out of the city boundaries. We have gathered and asked each other questions, God willing we will do something about it before the rains come. ” Said the Minister of Transport and Road Development Hon Abdullah Abokor Osman.

Wasiirka Gaadiidka Oo Xadhigga Ka Jaray Jidka Hawdka Ee Magaalada Burco Oo Muddo Badan Qabyo Ahaa

Burco (W.Gaadiidka) Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa xadhigga ka jaray wadada hawdka ee magaalada Burco oo ay dhismihiisa hirgelisay wakaaladda wadooyinka Somaliland. Maareeye-ku-xigeenka hay’adda wadooyinka, Mustafe Faarax Qallem, ayaa ka warbixiyey dhismaha jidkaasi oo ka bilaabma kaalinta Waasac ilaa kaantaroolka Hawdka, kaas oo uu hormood u ahaa dhismaheeda.

“Waxaanu maanta halkan ku furaynaa wadada hawdka oo ah waddo ay samaysay xukuumadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka iyo hay’adda wadooyinka iyo dawladda hoose ay wada sameeyeen. Xaafaddan ayaa laba bilood ka hor wasiirka gaadiidku uu u ballanqaaday inuu wadadan dhamaystiro, waannu dhamaystirnay, wixii naggu hadhayna waanu dhamaystiraynaa. Waxaan ugu bushaaraynayaa haddii xaafaddani ay in badan qaylinaysay in maanta ay nagga soo gabagabowday oo maantaba wasiirka iyo wakaaladuba ay si mudakarnimo ah ay waddaadaasi u fuliyeen”

Maayirka degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad, ayaa isaguna ka hadlay dhamaystirka jidkaasi oo muddo badan qabyo ahaa, haddase la dhamaystiray. “Saaka waxaanu xadhigga ka jarnay wadadii Baar Siigo ilaa wadada Hawdka, wallow ay wali inyari noo hadhsan tahay, haddana intii badnayd waanu dhamaystirnay, waxa maqani waa wax aan badnayn, dhagaxa lagu samayn lahaa biyuhu raacayay, intaana Illaahay waxaanu ka baryaynaa inay si sahlan noogu dhamaystiranto” ayuu yidhi Maayir Muraad

Badhasaabka gobolka tog-dheer oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa wax aad loogu farxo ku tilmaamay dhismaha wadadaasi xadhigga laga jaray, “Waxa maanta farxad gobolka u ah oo degmada u ah jidkan qaaliga ah ee aad samayseen, dawladda hoosena qayb ku leedahay qaybta badana aad samayseen, aad iyo aad baan usoo dhaweynaynaa aad iyo aad baanan ugu mahadnaqaynaa. Waxa weeyaan wadadani sidaa odayaashu sheegeen, waxa allaaliyo waxa biyo magaalada kasoo dhaca waa halka ay iskugu yimaadaan, waa Illaahay mahadii maanta in dhibtii ay qabeen dadku ama cabashadii badnayd ee degmada la iman jireen in ay maanta ka baxeen.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Tog-dheer

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa yidhi:-“Waxa ii farxad ah inaynu maanta soo gabagabaynay qayb ahaan mashruuc muddo badan inna sugayay, runtii waxa uu naggu ahaa qodax naggu taagan, maantana waxa sharaf labaad noo ah in wadadaas oo laba kiiloo mitir ah (2km) aanu maanta dhamaystirnay. Runtii waddo la dhisayaa ma yara, waddooyinka inta badan magaalada ka baxsan waxa loo sameeyaa moosas si looga soo duwo biyo-mareenada, laakiin magaaladu waxay u baahan tahay Diriinayj (biyo-mareen), waxaanu jecel nahay Diriinayjkaasi inaanu burco uun noqone, Somaliland oo dhan waxaanu samaynay biyo-mareeno, waddadu hadaanay diriinayj aanu jirin masii jirayso, waxaanu jecel nahay sidaa uu sheegay guddoomiyaha gobolku, wadada wixii ka dhiman xagga diriinayjka iyo riinaamka lagu xidhi doono wadada labadaba, waanu kasoo shirnay waxbaanu iska soo waydiinay, insha Allah intaa dhiman intaanu roobku inna soo gaadhin waxbaanu ka qabanaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL Cabdilaahi Abokor Cismaan



Leave a Reply

%d bloggers like this: