Somaliland: Minister of Transport Opens new Vehicle and Safety Inspection Center in Burao

Burao-The Minister of Transport and Road Development, Hon. Abdillahi Abokor Osman cut the tape to a new Vehicle and Safety Inspection Centre in Burao town, Togdheer region jointly owned by Alnafaara and Dhoore Group.

Among the dignitaries attending the opening of the new Vehicle and Safety Inspection centre was the Minister of Transport, officials from the Ministry, regional and district levels administrators, local leader’s, businessmen, intellectuals and leaders from the community.

Mr.  Bashe Dhore, one of the co- owners of the Vehicle and Safety Inspection centre said, “Somaliland Ministry of Transport and Road Development previously submitted a tender with the National Tender board for Vehicle and Safety Inspection contract and Alnafara and Dhoore Group were the out of the seven privately owned firms submitting the bids for the contract, in Togdheer region.

He further added, “The equipment we have installed at the centre check your car’s mechanical and performance systems. If your vehicle passes, you are given a one-year vehicle test certificate, while commercial and public transport vehicles will be issued with a six-month vehicle test certificate. A safety inspection is a good way to complement your routine vehicle maintenance.

The governor of Togdheer region, the mayor of Burao, the assistant director of the Road Development Agency, lawmakers, and other dignitaries who spoke on the occasion welcomed the opening of the new Vehicle and Safety Inspection centre and said that the region is in dire need of it.

The officials also commended the Minister of Transport and Road Development, Hon. Abdullahi Abokor and the Ministry of Transport for the initiative to set up vehicle safety inspection centres across the country.

Burao local government councilmen and their counterparts from Hargeisa speaking at the ceremony said the Ministry of Transport initiative to set up vehicle safety inspection centres in the country has many benefits in terms of enhancing road safety and reduction of car accidents.

The Togdheer regional police commander said that road safety police in the region check vehicles for their roadworthiness.

Members of the general public speaking at the venue said that the program that reflects significant progress spearheaded by the Ministry of Transport and Road Development.

Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka oo furay xarunta Bad-qabka Gaadiidka ee Burco

Burco(W. Gaadiidka)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa xadhiga ka jaray xarunta Ilaalinta bad-qabka Gaadiidka ee magaalada Burco oo ay ku midoobeen laba shirkadood oo Waddani ah.

Munaasibada Daah-furka xaruntan oo ay ka qaybgaleen  Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi, Masuuliyiinta Dawladda ee heer gobol iyo Degmo, Ganacsato, waxgarad iyo marti-sharaf ka socday qaybaha bulshada, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Baashe Dhoore oo ku hadlayey afka Shirkaddaha aasaasay xaruntan oo ka waramay marxaladihii ay soo martay howsha aasaasku. “guddida qandaraasyadu waxa ay qabatay tartan, lixda gobol oo dhan ah. gobolka Togdheer waxa loo qabtay tartankaasi todoba shirkadood. waxa ku guulaystay annagoo midownay Alnafaara iyo Dhoore Group.

Gaadhiga Mishiinkan la saaraa wuxuu noqonayaa mid bad qaba oo ka gudba amma mid ciladi ku soo baxdo. gaadhiga gaarka loo leeyahay ee ka gudba waxa la siinayaa shahaado sanad ah oo badqab ah. gaadiidka Ganacsiga amma Rakaabka qaada waxa la siinayaa iyaga lixdii biloodba mar.”ayuu yidhi Baashe Dhoore oo intaasi ku daray “arrintani waxa ay faa’ido weyn u tahay in la helo gaadiid caafimaad qaba”.

Badhasaabka gobolka Togdheer, Maayirka Magaalada Burco, Maareeye ku-xigeenka Hay’adda horumarinta Waddooyinka, xildhibaano, cuqaal iyo waxgarad ka hadlay halkaasi, ayaa soo dhaweeyey xaruntan oo ay sheegeen in baahi weyn uu gobolku u qabay, loona baahan yahay in uu noqdo mashruuc midho-dhal sameeya.

Masuuliyiinta intaasi ku daray in Wasaaradda Gaadiidku ku dhiiratay suurtogelinta xarumo lagu hubiyo badqabka Baabuurta noocyadeeda, waxaanay talaabadaasi amaan ugu jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor oo intii uu Wasaaradda hogaaminayey mashruucaasi la yagleelay.

Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Deegaanka Burco iyo Hargeysa oo munaasibada ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda ku tilmaamay mashruuc faa’idooyinkiisa laga arki doono nabad-gelyada waddooyinka iyo in ay yaraadaan shilalka gaadiidku.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay Ciidamada amaanku ka qaybqaadan doonaan sidii gaadiidka kala duwan gobolka ka shaqeeya loo hubin lahaa caafimaadkooda.

Xubno ku hadlay afka dadweynaha, ayaa sheegay in uu yahay barmaamuj ka turjumaya horumar muuqda oo ay hormuud u tahay wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadku.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo gebagebadii xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey shirkaddaha waddaniga ah ee ka qayb-qaatay hir-gelinta adeegga ilaalinta badqabka Gaadiidka, kuwaasoo ay kamid yihiin labada shirkadood ee gobolka Togdheer ka aasaasay xaruntani.

“Nidaamkan aynu maanta daah-furayno oo ah badqabka Gaadiidka Somaliland, muddo badan ayuu soo qaatay oo soo socday, waxaan marka u horaysa u mahad-celinayaa dadka reer Somaliland ee lixda gobol-ba ka qaybgalay in  mashruucani fulo”ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi ku daray “mashruucani marxalado badan ayuu soo maray Guddida qandaraasyada, ayaa naadisay cidii ka qaybgeli karta ee gobol walba”.

Xaruntan badqabka Baabuurta ee gobolka Togdheer, ayaa waxa lagu rakibay mishiino ka kooban ilaa shan nooc oo lagu soo saarayo ciladaha kala duwan ee Baabuurta, gaar ahaan Biraha, Mishiinnada iyo wixii la mida, sida ay halkaasi ka sheegeen masuuliyiinta u hadlay Shirkaddaha aasaasay.

 

 

 

 

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: