War-saxaafadeed Saddex Gaadhi, Oo Ah Basaska Dadwaynaha Qaada , Kuwaas Oo Si Xawli Ah Oo Sharciga Baalmarsan Ugu Baratamayay Wadada U Dhaxaysa Berbera Iyo Hargeysa,

Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxay qaranka uga masuul tahay in la helo adeeg gaadiid oo bid-qaba isla markaana nabdoon, iyada oo wada shaqayn aad u wanaagsan la leh dhamaan laamaha amniga ee wadanka gaar ahaan ciidanka nabad galyada wadooyinka.

Waxa maalmihii ina dhaafay barasha bulshada lagu faafiyay Muuqaal (Video) saddex gaadhi, oo ah basaska dadwaynaha qaada , kuwaas oo  si xawli ah oo sharciga baalmarsan ugu baratamayay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, arintaas oo wel wel ku abuurtay dadweyanaha.

Muuqaalkaas waxa la wadaagay wasaarada dadweyne tiro badan, sidaas darteed waxaan halkan ka cadaynaynaa in muuqaalkaasi aanu ahayn mid cusub ee uu ahaa wakhti hore  lana duubay sanadkii hore 2019, sadexda basna ay ka tirsan yihiin basaska ka dhex shaqeeya magaalada hargeysa ama ( Hargeysa city bus) iyada oo sida ay noo sheegeen madaxda iskaashatadaasi wadayaashii basaskaas la mariyay ganaaxii iyo ciqaabtii ay xaqa u lahaayeen.

Wasaarada gaadiidka & H .jidadku waxay ku xidhay qalabka xadidaada xawaaraha  basaska ay leeyihiin shirkadaha u kala goosha gobolada iyo magaalooyinka wadanka, si loo hubiyo amaanka iyo badqabka muwaadiinta.

Cidii aragta basaska gobolad u kala goosha ama safraya oo ku socota xawaare ka badan 80 KM saacadiiba sida uu dhigayo xeerka nabadgalyada wadooyinka Xeer Lr.56, 2013, fadlan ha wargaliso dhamaan xarumaha ciidanka nabad galyada wadooyinka ee ugu dhaw, ama ha la soo xidhiidho wasaarad gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

Wasaaradu waxay u mahad celinaysaa dadwaynaha reer Somaliland guud ahaan, kuwaas oo had iyo jeer talo iyo warbxinba si joogto noola wadaaga.

 

Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee

Wasaarada Gaadiidka & H Jidadka.



Leave a Reply

%d bloggers like this: