Ministry of Transport issues State employed drivers with new driving licenses

A graduation ceremony was this week held for 27 government-employed drivers after the completion of their various training courses at the state-owned driver’s school managed by the Ministry of Transport and Road Development.

Officials attended the event were from the Ministry of Transport and Road Development, Somaliland Road Development Agency, officials from ministries and government agencies.

The head of the government-owned drivers’ training school, Mr. Said Tallabo and Mr. Muse Yusuf Ibrahim, the director of the transportation department at the ministry of transport and road development speaking during the event said that during the training the drivers undertook lessons that will benefit them in their work. The two officials further urged them to make use of what they have learned during the course of their training.

The director of the license department in the ministry of transport and roads development, Ms Ayaan Abdiaziz Mohamed said that the license issued to them was an important one made specifically for them. “You are required to not share this license with anyone else, not even with your superiors. The number of drivers issued with this special license is 27, said Ms. Ayan Abdiaziz Mohamed.

Ms. Aniisa Hussein is Acting Director General of the Ministry of Defence, Director General of Somaliland Ministry of Commerce, Industry and Tourism Eng. Abdirahman Muhumed Abdeeq, Director General of the Ministry of Public Works, Land and Housing Abdirahman Elmi, Director General of Somaliland Ministry of Energy and Minerals Speaking at the event, Mohamed Yusuf Ismail, described the new licence as state of the art and urged them to utilize their newly acquired skills to uphold road rules and safeguard the lives of passengers.

The vice-chairperson of the Somaliland Refugee and Internally Displaced Agency Ms. Fadumo Abdillahi and Mr. Abdikarim Mohamed the vice-chairperson of the Somaliland Civil Service Commission welcomed the training of government-employed drivers and the launch of the new state of the art licenses. They lauded the Ministry of Transport for the Job well done.

Col. Mohamed Elmi, the Commander of Somaliland Traffic and Road Safety Police said that from now on they should be able to tell apart the difference of a government-employed driver and a civilian one.

The Director-General in the Ministry of Transport and Road Development Somaliland. Omar Abdulahi Adan (Omar-Sayid) said, “When we approached the civil service commission to inquire how many drivers were in the government payroll, we were handed a list of names of 423 drivers who we plan to issue with the new driving licenses with GIB card.

“I would like to announce we shall be collecting back the paper license issued previously to government drivers and in turn, we shall issue them with new state of the art license,” said the director general in the Ministry of Transport.

Lastly, the certificates were awarded to the drivers, and at the same time issued with the new Somaliland government’s traffic driver’s license.

 

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Oo Daahfurtay Liisanka Cusub ee Wadayaasha Gaadiidka Dawladda iyo Qalinjabinta 27 Dareewal

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Oo Daahfurtay Liisanka Cusub ee Wadayaasha Gaadiidka Dawladda iyo Qalinjabinta 27 Dareewal

 

Hargeysa (W.Gaadiidka )- Munaasibad ballaadhan ayaa loo qabtay 27 dirawal oo ka mid ah dirawaliinta gaadiidka dowladda Somaliland, kuwaasoo oo in badan tababar iyo duruus kala duwan ku qaadanayey dugsiga tababarrada darawalada gaadiidka dowladda, kaasoo ay hirgelisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Munaasibadan waxa ka qaybgalay madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wakaaladda Horumarinta Jidadka Somaliland, masuuliyiin ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowliga ah ee loo tababaray dirawallada xafladda loo qabtay.

Maamulaha Dugsiga Tababarrada Dirawaliinta Gaadiidka Dowladda Mr. Siciid Tallaabo iyo  Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mr. Muuse Yuusuf Ibraahim oo xafladdaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in dirawalliintan la baray duruus iyo casharo badan oo faa’iido u yeelan doona naftooda iyo guud ahaan qaranka Somaliland, iyagoo kula dardaarmay inay si fiican ugu shaqeeyaan waxyaabaha ay barteen muddada ay ku jireen dugsiga tababarka macallimiinta dowladda.

 

Waxa kaloo goobta hadal ka jeediyey Agaasimaha Waaxda liisamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed oo sheegtay in liisanka loogu talogalay dirawallada gaadiidka dowladdu uu yahay mid muhiim ah, isla markaana si gaar ah loo farsameeyey, iyadoo xustay in dirawallada gaadiidka dowladda looga baahan yahay inay si fiican u ilaashadaan liisankaas.

 

“Waxa la idiinka baahan yahay in aan liisankaas cid kale idinla wadaagi karin, in aan madaxiina gaadiidka ee idinka idin xukumaa aannu qaadan karin, balse idinka oo keliyaata aad xaq u leedihiin. Dirawalliinta tababarka dhammaystay ee la siinayo liisanka, laguna wareejiyey waxa weeyaan 27 dirawal,” ayey tidhi Ayaan Cabdicasiis Maxamed.

 

Marwo Aniisa Xuseen oo ah Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Md. Cabdiraxmaan Cilmi Cashuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo iyaguna xafladdaas hadallo ka jeediyey, ayaa guul ku tilmaamay tababarka la siiyey dirawalliinta gaadiidka dowladda iyo sidoo kale liisanka casriga ah ee sida gaarka loogu talogalay dirawallada gaadiidka dowladda, waxayna sheegeen in dirawalliintaas la baray duruus la xidhiidha masuuliyadooda shaqo, sida loo badbaadinayo naftooda iyo dadka rakaabka ah, isla markaana qaabka loo ilaalinayo gaadiidka dowladdu leedahay ee lagu aamminay.

Waxa kaloo ay Agaasimayaashan Guud sheegeen in dirawalliinta dowladdu yihiin kuwa inta badan laf-dhabarta u ah hawlaha qaranka iyo isku-xidhka shaqooyinka, waxayna ammaan xooggan u jeediyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay tilmaameen in muddada yar ee ay jirtay ay wax badan u qabatay qaranka Somaliland.

“Sida aad la wada socotaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku muddo yar oo kooban ayey jirtay, waxayna Wasaaraddu la kawsatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waqtigii ay jirtay iyo waxyaabaha ay qabatay marka loo eego waxa aad odhan kartaa Wasaaraddu waa mid weyn oo uu baahi weyn u qabay dalku, asiibtayna Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanad ka garan kartaa dhibaatooyinkii aynu kala kulmi jirnay haddii ay tahay xagga gaadiidka iyo haddii ay noqoto xagga waddooyinkaba oo shilalkii iyo waxyaabihii khasaaraha keenayey ee muddooyinkii hore dhici jiray sida uu u sii yaraanayo sannadba sannadka ka dambeeya oo marka waddooyinka la hagaajiyo, marka dirawalliinta la tababarro iyo marba marka ka dambaysa way yaraanaysaa dhibaatooyinka ka imanaya ama khasaaraha dadkeenna soo gaadhaya, markaa waannu hambalyeynaynaa.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.

 

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha Qaranka marwo Faadumo Cabdillaahi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Mr. Cabdikariin Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tababarka loo qabtay dirawalliinta gaadiidka dowladda iyo liisanka casriga ah ee loogu talogalay dirawallada gaadiidka dowladda, waxayna arrintaas ku ammaaneen madaxda sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

 

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Gaashaanle Maxamed Cilmi, ayaa sheegay inay ciidan ahaan farxad dheeraad ah u tahay, waxaannu yidhi; “Maanta anaga farxad ayey noo tahay, waayo marka aannu nidhaahno; ‘keena liisannada’ waxa aannu weydiinaynaa dadka dirawalliinta ah oo dhan, waxayna caddaaladdu tahay in labadaba la weydiiyo (dirawalka dowladda iyo dirawalka kaleba), markaa maanta mid walba si gaarkiisa ah ayaan u ogaanaynaa, maadaama ay dirawalliinta dowladdu yeesheen liisan gaar ah, ilayn anaga ayey waddooyinka nagu soo marayaane.”

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo ugu dambayn xafladdaas hadal ka jeediyey, ayaa

“Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaannu u tagnay oo waxa aannu weydiinay; ‘imisa dirawal ayaa ku jira liiska mushahar-bixinta dowladda (payroll)’ kadibna waxa la nagu soo wareejiyey 423 dirawal, markaa liisankaas aynu maanta siinayno ee casriga ah, elegtarooniga ah ee jibka leh (GIB) Agaasimeyaasha Guud marka ay soo doontaan waa loo diidaa oo aniga oo Agaasime guud ah xaq uma lihi in aan qaato, Agaasime-waaxeedyada iyo shaqaalaha kaleba way soo warwareegaan oo gaadiidka waa laga dhigaa, marka xilalka laga qaado, balse cidda qudha ee aan shaqadaas dirawalnimada ka tegayn waa idinka, liisankaasna idinka ayaannu idiinku talogalnay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxaannu intaas ku daray; “Maanta waxa aannu halkan ka shaacinaynaa in liisankii hore ee warqadda ahaa oo in ka badan laba kun ay baxeen markii aannu eegnay faylashii, in maanta laga bilaabo ay Ciidanka Taraafikadu ay soo ururinayaan dhammaantood, qofkii lagu qabtana laga soo qaadayo. Waxa kaloo aannu maanta halkan ka sheegaynaa gaadiidka dowladdu ma leh buug, balse qofkan leh baabuurka gaarka ah ee aan dowliga ahayn waxa uu leeyahay buug, laakiin gaadhiga dowladdu ma leh buug, markaa waxa aannu halkan ka shaacinaynaa in gaadhiga dowladdana loo samaynayo buug Insha Allaah.”

 

Dhammaadkii xafladdaasna waxa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dirawallada ugu sareeyey dhinaca imtixaanka, halka sidoo kalena la guddoonsiiyey liisamada casriga ah ee loogu talogalay dirawallada gaadiidka dowladda Somaliland, iyadoo dhinaca kalena shahaado-sharaf lagu maamuusay xubno ka mid ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: