Somaliland: President Inaugurates New projects at Ministry of Transport and Roads Development Agency

The President of the Republic of Somaliland, Mr. Muse Bihi Abdi, cut the ribbon for five new projects consisting of new and renovated buildings and new equipment for the Ministry of Transport and Road Development of the Republic of Somaliland, and the Road Development Agency (RDA).

The President, along with members of the cabinet of ministers, the governor of the Central Bank, the Managing- Director of the Road Development Agency, the leadership of the police and leaders of the Maroodi Jeeh region, attended the opening of five major projects, consisting of a new building dedicated to housing the Road Development Agency, a new building for the licensing department, a car branding and records for the Ministry of Transport and Road Development, a state-of-the-art underground vehicle maintenance and testing facility, a laboratory to check the quality of materials used in roads building and equipment purchased for the highway between Erigavo and Burao.

The President, after a brief inspection of the newly expanded facilities, listened to reports from experts, and engineers with knowledge of the new facilities briefed the head of state on the importance of the equipment and construction sustainable roads for a long time.

In a brief ceremony held at the Road Development Agency, the head of the Road Development Agency, Mr. Ahmed Yusuf Mohamed, spoke at length about the agency’s efforts to meet all road needs in the country. Existing and supply of the necessary infrastructure for road construction are central to the economy, connectivity, and development of the country.

Dr. Saad Ali Shire, the Minister of Finance Development and Mr. Ali Ibrahim Jama (Baghdadi) the Governor of the Central Bank of Somaliland who were among the dignitaries speaking during the occasion commended the officials of the Road Development Agency and Ministry of Transport for speeding up development work and acquiring state of art equipment and facilities that will benefit the nation in the long term.

The Minister of Transport and Road Development, Mr. Abdullahi Abokor Osman, in his speech, noted the many achievements and highlighting the setting up of a wealth of capabilities important to the national security and transit safety. He added, “Mr. President, Today we own facilities to track every vehicle in the country in seconds unlike before when it was difficult to track public or state-owned vehicles, on the other hand, we can now record every vehicle coming into the country every year, every month and every day.

The President of the Republic of Somaliland, Mr. Muse Bihi Abdi, on the inauguration of new buildings and equipment has at the Ministry of Transport and Road Development, commended the authorities in charge, and stated that if the public consulted and worked together much could be accomplished and we can build most major roads and highways within a short period. “With combined resources, through contributions from every citizen, government, and leadership organizing and knowledge, I think we can achieve it.”

Finally, the president directed those in charge for the development of the roads to increase their efforts, and to achieve the national goal of modernizing the national roads network to ease the movements of citizens living in far and isolate places and urged the public to do more by jointly contributing in the country’s road development

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Waaweyn Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Xarumaha Wasaaradda Gaadiida Iyo Horumarinta Jidadka

Hargeysa- 22-06-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic waaweyn oo dhismeyaal, dayac-tir iyo ibo-fur agab cusub isugu jirta oo ay hirgeliyeen wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid tahay Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha Baanka dhexe, maareeyaha Wakaaaladda  horumarinta waddooyinka, hoggaanka ciidanka Booliska iyo madaxda gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu horrayn kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey shan mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhisme cusub oo loo bineeyey Wakaaladda  horumarinta jidadka, dhisme loo dhisay waaxda liisamada, sumadda baabuurta iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku, Hoostada gaadiidka dawladda oo dayac-tir iyo qalabayn lagu sameeyey, shaybaadh lagu hubinayo tayada agabka loo isticmaalayo jidadka waddooyinka iyo qalab macdaad ah oo loo soo iibiyey jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Madaxweynaha, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib kormeer kooban ku sameeyey xarumaha cusub ee lasoo kordhiyey, waxana uu warbixinno ka dhegaystay khubaro iyo injineerro aqoon durugsan u leh agabka cusub ee goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo si hufan uga warramay muhiimadda uu qalabkaasi u leeyahay horumarinta jidadka iyo helitaanka waddooyin waara oo muddo dheer loo aayo.

Munaasibad kooban oo gudaha hay’adda horumarinta jidadka lagu qabtay, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay maareeyaha Wakaaladdda  horumarinta Jidadka, Mudane Axmed Yuusuf Maxamed, waxana uu ku dheeraaday dedaalka ay Wakaalad  ahaan ugu jiraan sidii loo dhammaystiri lahaa dhammaanba baahiyaha dhinaca jidadka ah ee dalka ka jira iyo keenista agabka muhiimka u ah dhismaha waddooyinka oo halbowle u ah dhaqaalaha, isku xidhka iyo horumarinta dalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa madaxda Wakaaladda horumarinta jidadka iyo wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku ammaanay xawaaraha dhinaca horumarka ah ee ay shaqada ku wadaan iyo sida ay xilka isaga saareen sidii qaranku u yeelan lahaa jidad iyo agab tayo leh oo mustaqbalka fog laga faa’iidaysan doono. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hadal dhinacyo badan taabanaya goobta ka jeediyey, ayaa xusay inay waxyaabo badan hirgeliyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay keeneen agab faa’iido badan u leh ammaanka guud ee qaranka iyo badqabka gaadiidka kala duwan ee dalka imanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne maanta waxa ka ah gudaha Somaliland in gaadhi kasta lagu heli karo in yar ilbidhiqsiyo, markii horese waxa adkaan jirtey in gaadiidka dadka iyo ka dawladdaba marka loo baahdo ay muddo badan qaadan jirtey, sidoo kale waxa suurtogal ah gaadiid kasta oo soo gala, maalin kasta, sannad kasta iyo bil kastaba inaynu si fudud u heli karno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xadhigga lagaga jaray dhismeyaasha iyo agabka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka iyo hay’adda horumarinta waddooyinku soo kordhiyeen, ayaa ugu horrayn bogaadiyey madaxda hawshaas gacanta ku haysa, waxanu caddeeyey in haddii ay bulshadu isku tashato oo wax wada qabsadaan ay si fudud u dhismi karaan dhammaanba jidadka muhiimka ah ee gudaha Somaliland ku yaallaa, waxana uu yidhi, “Ummad baynu nahay xooggeeda haddii ay isu geyso wax qabsan karta, waddo kastaa halka ay marayso inta deggen ee ku nool haddii qof waliba inta uu karayo xooggiisa ku tabarruco, ka dhaqaale hayaana uu qaybtiisa ka qaato, dawladduna ay hoggaaminta, abaabulka iyo aqoonta soo ururiso, aniga waxay ila tahay inaynu dhisan karno.” Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bahda gacanta ku haysa horumarinta waddooyinka kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dedaalkooda, kana midho dhaliyaan himilada qaranka ee ah in la helo jidad casri ah oo fududeeya isu socodka bulshada deegaannada kala durugsan ku kala dhaqan, isaga oo shacabkana usoo jeediyey inay si midaysan qaybtooda uga qaataan horumarka dhinaca jidadka ah ee dalka.

default
default

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: