Somaliland: Minister of Transport and Roads Development heals from Covid-19

Minister Abdulahi Abokor Briefs on the recently Presidential appointed Project implementation unit (PIU) tasked with the construction works of the Berbera Corridor.

Minister of Transport and Road Development in Somaliland Abdillahi Abokor Osman, has confirmed that he has officially recovered from Covid-19, after been diagnosed positive on the 5TH, June 2020.

In an interview with HCTV, Minister Abdulahi Abokor advised the public to adhere with the directives issued the Ministry of Health so as to avoid been infected by COVID-19.

“It is true that on the 5 June 2020, I volunteered to go to the hospital, after experiencing a mild fever, and after the undergoing tests the doctors confirmed, I was positive, and my disease doesn’t need to be highlighted in the media , so I quarantined myself and started treatment in and in accordance directives issued  by the Ministry of Health ,” said the Transport Minister.

He added, “I want to inform fellow Somalilanders who seem to politicizing the issue a little bit, COVID-19 is similar to most types of Flu but can affect the health of a person depending on his resistance to the disease. People pass away every day due to many factors such as malaria or heart attack so we should not exaggerate the disease.

The Minister of Transport added that after observing the self-isolation period, I visited the hospital on the 15th of June 2020 whereby, I underwent further tests, which showed I was fully cured of the disease, thank God I am now well and have already assumed my official duties. I would like to use this opportunity to thank all those well-wishers for their prayers. Prevention is better than cure thence why people should be cautious especially senior citizens.

When asked about reports carried by a section of the media that purported that the recently appointed committee tasked with overseeing the construction of the Berbera Corridor was to work independently from the Ministry of Transport and Roads Development and was answerable to the President only he said, “I saw that report and it really looks like that statement was falsified and lacked any merit whatsoever, one thing you must understand the Ministry has a structure which includes the number of departments and then units which are tasked with managing of the various ongoing projects. There are four projects under our control and one is working with the African Development Bank, and has its own Project Technical Team (PTT) headed by a managing director who manages the day-to-day work the same applies with Somaliland Development Fund (SDF) that has its own PTT which acts on behalf of the Minister and the government as a whole to monitor and sustain the work. There is another project currently underway by GTZ, which also has its own PTT, and a manager who tasked is building the Hargeisa bypass and all selected by the Ministry of Transport apart from the manager who is hired for his expertise. The formation of the current unit came about when the President, Ministry of Transport, and Abu Dhabi Development Fund saw the need to speed up the ongoing construction after delays.

Hon. Abdullahi Abokor Osman further indicated that in the Presidential directive there is one point stated that the project implementation unit (PIU) forward their monthly reports to the President, and their performance shall be monitored by the Ministry of Transport which will be responsible any assistance, payments, and facilities need for the PIU to conduct its work properly as stipulated in article 2, 3 and 11.

The Minister lastly said, “I want to clarify the facts, although this letter is not intended for the press, I can show you if you need it (HCTV reporter) and I want to make the Somaliland public to know the truth and no independent committees were appointed as falsely reported, what we formed was Project implementation unit(PIU) otherwise known as Project Technical Team (PTT) which will be responsible monitoring and the construction work of the Berbera Corridor, and we plan to meet on Thursday for consultation and then they will begin their work they’re tasked with.

 

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland oo Caddeeyey inuu ka Bogsaday Xannuunka Covid-19 oo Hore Looga Helay

Wasiir Cabdillaahi Abokor waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey koox hawlwadeenno ah oo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay inay ka shaqeeyaan dhismaha waddada Berbera Corridor

 

Hargeysa (W.Gaadiidka)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa caddeeyey inuu si rasmi ah uga bogsaday xannuunka Covid-19 oo baadhis uu isku sameeyey lagu ogaaday inuu xannuunkaas qabo taariikhdu markii ay ahayd 5 June 2020.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV, waxa kaloo uu dardaaran la xidhiidha in la sameeyo waxyaabaha la iskaga ilaalin karo xannuunka Covid-19 uu u diray bulshada reer Somaliland.

“Waa dhab in 5 June 2020 ayaan si mutadawacnimo ah u tegay cusbitaalka, markaa oo aan xummad yar dareemay, waxayna 5 June igu yidhaahdeen; ‘waxa aad tahay positive (waad qabtaa xannuunka), waana Alxamdullaahi oo runtii waa xannuun oo Ilaahay ayaa keena, Ilaahay ayaana qaada,, xannuunkuna uma baahna in saxaafadda iyo meelahaas lagu qoro, aniguna waxa aan go’aansaday in aan iskarantiimeeyo, isla markaana aan qaato tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiirta,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan ummadda Somaliland ku baraarujinayaa, waxa aad moodaa in la yar siyaasadaynayo, lana yara xoojinayo, laakiin xannuunkani waa duray uun, weliba durayada qofka ku dhaca waa durayga ugu fudud, waxayna ku xidhan tahay uun qofka difaaca jidhkiisa. Ilaahay (SWT) qofka uu ku dilayo asbaabo badan ayuu qofku ku dhiman karaa oo kaneeco ayaa ku dili karta, saxasho ayaa lagu dhintaa, wadno-istaag ayaa dhaca, laakiin xannuunkan Covid-19 maaha xannuun ah sida loo buunbuuninayo, waxayna ku xidhan tahay uun qofka difaaca jidhkiisa.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ka hadlay waqtiga loo sheegay inuu ka bogsaday xannuunkan, waxa uu yidhi; “Alxamdullaahi, 15 June 2020, ayaan mar labaad galay cusbitaalka, kadibna waxa aan noqday qof ka bogsaday xannuunkii, imminkana aad ayaan u fiicannahay, waanan u mahadcelinayaa dhammaanba dadkii ii soo duceeyey iyo dadkii ila soo hadlay oo aan dhammaantood u mahadnaqayo, waxaanan jecelnahay in aan bulshada u sheego in kolayba ka-hortaggu uu ka wanaagsan yahay dawada, markaa dadku inay ka taxaddiraan, iyadoo wixii Ilaahay kuu qaddaray ay halkiisa tahay, laakiin haddana taxaddirka in la sameeyo waynu u baahannahay, weliba dadka waaweyn in laga ilaaliyo, runtiina imminka aad iyo aad ayaan u fiicannahay, shaqadiina waan imid oo waan shaqaynayaa.”

Wasiirka oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay Guddi maamulaysa dhismaha waddada Berbera Corridor oo Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan magacaabay, isla markaana warbixinno arrintaas laga qoray lagu sheegay in aanay guddidaasi hoos imanayn Wasaaraddiisa, balse ay toos u hoos tegayaan Madaxweynaha, waxaannu yidhi; “Waan arkay warbixintaas, waxaanad runtii moodaa in warbixintaasi ay ka been sheegtay warqadda Madaxweynaha, sida runtu tahayna maaha Guddi ee waxa la sameeyey waa unug (unit), qaab-dhismeedka Wasaaraddana haddii aad taqaanaan waxa jirta Wasaarad, waax, qayb-waaxeed iyo unug (unit), markaa waana nidaam ay Wasaaradda iyo Hay’adduba ku dhaqmaan inta badan oo imminka waxa jira afar mashruuc oo aannu gacanta ku hayno oo mid waxa aannu kala shaqaynaynaa Baanka Horumarinta Afrika, waxaanan u bixinay PTT (Project Technical Team), markaa waxa jira Maareeye hawshaas maamula, sababtoo ah inta badan Wasiirku waa xil siyaasadeed (Political position), inta badana arrimaha masiiriga ah ayuu go’aan ka qaataa, laakiin mashruuc kasta waxa aannu samaynaa koox ama unug (unit), sida SDF (Somaliland Development Fund) waxa ay leedahay PTT ama unug si gaar ah u maamula, waxayna Wasiirka ka caawinaysaa iyo guud ahaanba dowladda in shaqada lagu yeesho kormeer iyo joogtayn. Waxa kaloo jira mashruuc kale oo imminka innaga dhamaaday oo GTZ waday, kaas laftiisuna waxa uu lahaa PTT, midkastaana waxa uu leeyahay maareeye (manager) oo sida mashruucan lagu dhisayo waddada weyn ee dhinaca woqooyi laga marinayo Hargeysa (Hargeisa bypass) laftiisu waxa uu leeyahay PTT, markaa magaciisu waa unug, mana jirto wax guddi la yidhaahdo oo la magacaabay, soo-jeedinta in guddidaas la magacaabana waxa lahayd Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, shaqaaluhuna waa shaqaale ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda, marka laga reebo maareeya mashruuca oo aannu waayo-aragnimo ku soo qaadanay, markii horena waxa aannu doonaynay in aannu ka dhigno Eng. Faarax Xuseen, sabab kalena maaha ee waddada waxa aannu isla dareensannahay in woxogaa dib-u-dhac ah ama gaabis ah (delay) uu ku jiro, markaa si loo dardargeliyo anaga, Madaxweynaha iyo Hay’adda Abu Dhabi Development Fund, waxa aannu isla garanay in la sameeyo kooxdaas oo si joogto ah oo dhaw ula shaqeeya, waana koox farsamo.”

 

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sidoo kale sheegay in qoraalka lagu magacaabay kooxda unugga ah uu dhigayo inay si toos ah warbixinta u siinayaan Madaxweynaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Hal qodob ayaa ku jira oo odhanaya waxay si toos ah warbixinta u siinayaan Madaxweynaha, warbixintuna waxay soo mari kartaa Wasaaradda ama Madaxweynaha, taasina maaha wax weyn (big issue) oo anaga ayaaba u aragnay si uu Madaxweynuhu u noqdo mid xaaladda si joogto ah ula socda (on board) oo uu hawsha kula socdo, markii horena waxa warbixinnaha noo soo diri jiray la-taliyeyaasha (Consultant) iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha, markaa maadaama oo aannu kooxdaas samaynay waxa aannu isla garannay in si toos ah Madaxweynaha loogu diro warbixinta billaha ah (montly reports), si uu isaga laftiisu xogogaal ugu noqdo, markaa sida ku cad qodobka 2-aad, qodobka 3-aad iyo qodobka 11-aad, dhammaanba kooxdaasi waa koox hoos joogaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Wasaaradda ayaana xukumaysa haddii ay noqoto dhinaca kormeerkooda, xagga lacag-bixintooda (payments) iyo xagga hawl-socodsiintoodaba.”

Wasiir Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha kooxda Madaxweynuhu magacaabay lagu sameeyey turjumaad khaldan, waxaannu yidhi; “Markaa waxa lagu sameeyey turjumaad khaldan oo inkasta oo aanay warqaddaas faahfaahsan ahayn mid loogu talogalay saxaafadda, haddana haddii aad u baahato adiga (weriyaha HCTV) waan ku tusi karaa, waxaanan doonayey in aan ummadda reer Somaliland intaas ka jaahil saaro, mana ah arrin Guddi lagu sheego ee waa unug ama PIU (Project implementation unit), waxa kaloo la odhan karaa PTT (Project Technical Team) oo farsamo ahaan, tayada la inoo dhisayo iyo waqtiga jadwalka, shaqada iyo hawl-socodsiinta iyo waxyaabahaas ayey iyagu yeelan doonaan Insha Allaah, aniguna waanigii yara xannuunsaday, markaa berri Khamiista (maanta) ayaannu halkan isugu imanaynaa oo ku kulmaynaa, kadibna shaqada way bilaabayaan, sidaas weeyaana hawshoodu.”

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: