Somaliland: Ministry of Transport orders School Bus Operators to replace exit doors on the wrong

Hargeisa-The Director-General of Somaliland’s Ministry of Transport and Road Development in a press conference in his office said that they have banned all school buses with doors on the wrong side from carrying students and have given them one month to change the doors to the right side.

The Director-General of the Somaliland Ministry of Transport and Road Development said: “On 19 March 2020, the Ministry of Transport and Road Development met with the headmasters of 153 public and private schools situated in Hargeisa, Maroodi Jeh region and they agreed that the ministry of transport directive issued on the 25 Nov 2018 should be implemented.

The ministerial decree regarding the ban of all school buses with the door on the wrong side was due to be implemented within a period of one (25 Nov 2019) as directed by the former minister of education in which he informed all schools to implement.

The director-general continued: “On the basis of this, we had an appointment here today with the heads of 153 schools that the Ministry of Education has transferred to the authorities to discuss the matter but since the public meeting was canceled on the orders of the National Coronovirus control committee. We decided to have separate meetings with each school headmaster during the course of this month regarding the issue school buses with the door on the wrong side which they must relace all doors on the wrong side as set by the regulations of the ministry of transport and roads.

Those school buses stop on the wrong side of the road (two-way roads) to pick the kids. Kids may run into the oncoming traffic from either side which resulted in school kids being killed or injured by other vehicles. We urge all school bus operators to compile with the Ministerial road safety regulation and change their doors during the one month school holiday. The Ministry of transport will cooperate with the Traffic police in enforcing the law as in accordance with the road safety act NO 56 2016.

Wasaaradda Gaadiidka Ayaa Muddo Bil Ah U Qabtay Basaska Qaada Ardayda Dugsiyada Gaarka Ah Dhigta ,  In Ay Ku Bedalaan Kuwa Albaabka Laga Galo Guraca Kulihi

Hargaysa (W.Gaadiidka) Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland oo shirjaraaid ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in ay  amaro ku soo rogeen basaska ardeyda qaada ee albaabka ku leh dhinaca guran, isla markaasina mudo bil ah ay u qabteen,  muddada bishaasi ah ee ay ardeydu fasaxa yihiin ay ka faa’iidaystaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 19 bisha sadexaad 2020 waxa ay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku ay halkan balan kula lahayd 153 dugsi oo isugu jira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala gobolka Maroodijeex gaar ahaana caasimada Hargeysa, kulankaasi oo daraanaa in la hirgaliyo wareegtadii wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadku uu soo saaray 25 Nov 2018, wareegtada oo  ku sabsanayd basaska ardeyda qaada ee albaabka dhinaca guran ku lihi ay iska bedelaan muddo hal sanadood ah, wakhtigaasi oo ku eegaa 25 Nov 2019 ka, sidoo kalena  uu ku waafaqay wareegtadaasi wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Cismaan Jaamac Aadan 13 April 2019 ka, isaga oo ku amray dhammaan iskuuladu inay amarkaasi fuliyaan”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Anaga oo arintaasi ka duulayna ayaanu maanta waxaanu halkan balan kula lahayn 153 dugsi oo ay wasaaradda waxbarashadu nagu soo wareejisay masuuliyiintooda si arintaasi aanu dhaqan galinteeda ugala hadalo, laakiin maadaama oo kulanadii dadweynaha la joojiyey anaga oo u hogaansan amarada guddida  xakamaynta cudurka Cronovirus, waxaanu go’aansanay in dugsi walba gaar loo qaabilo oo halkan ay mid mid noogu yimaadaan si aanu wareegtooyinkaasi u siino muddo bil ah in basaskaasi lagu bedelo ardeyda qaadaya oo bishaasi ardeydu fasaxa ay yihiin in laga faaiidaysto oo dhammaan basaskaasi albaabada la bedelo sidoo kalena amarka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku uu ku dhaqangalo, arintaasi oo aynu uga dan leenahay badbaadada ardeyda waad ogtihiinoo waxa is khilaafsan basaska albaabkooda iyo haadka wadooyinkeena, arintaasi waxa ay sababtay in marar badan iyada oo ardeyda la sido dhibaato ku dhacdo qaar ay dhimasho ka soo gaadho qaar uu dhaawac ka soo gaadho arintaasi oo walwal joogta ah ku haysa waalidiinta caruurta leh, waxaananu uga baaqaynaa oo aanu halkan ku adkaynaynaa dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo dugsiyada dawliga ah ee basaska isticmaala inay ku amraan muddadaasi bisha ah ee ardeydu ay fasaxa yihiin ay albaabka bedelaan anaga oo ka wasaarad ahaan iska kaashan doona oo ciidanka nabadgelyada wadooyinka wixii bishaasi ka dambeeya oo runtii sharciga la fulin doono oo arintaasi waxa ay waafaqsan tahay xeerka wadooyinka xeer NO 56 2016 ka”



Leave a Reply

%d bloggers like this: