Somaliland:Deputy Minister of Transport opens New Road Linking Las Anod Town and Garaad Ismail Airport

Las Anod-Officials of the Ministry of Transport and Road Development together with the Sool Regional Administration, Las Anod District, Somaliland Road Development Agency and TIS-PLUS were present during the ceremony held for the opening of a 5km highway that links Garaad Ismail airport and Las Anod town.

Garaad Jama Garaad Ismail Duale, local elders and other officials who spoke at the event said that the construction of this road is vital for the development and mobility of the Sool region, and paid tribute to everyone who contributed towards the construction and financing of the new tarmac road connecting the airport with Las Anod town.

The mayor of Las Anod said that the road will contribute to development and travel in the Sool region as a whole and throughout eastern Somaliland. He further highlighted that the Las Anod council had played a key role in the planning and construction of the new road, in collaboration with the Ministry of Transport, Somaliland Road Development Agency and TISS +.

Ahmed Yusuf, Managing Director of Somaliland Road Development Agency speaking during the ceremony said,  “I would like to use this opportunity to thank USAID and TISS +, and the Mayor of Las Anod for organizing the ceremony for the opening of the new 5KM tarmac road linking the airport and Las Anod town. We at RDA worked hand in hand with the Las Anod city council in the planning and construction stages of this new road.

Mr. Abdiqani Mohamud Jiidhe, the governor of Sool region said that the completion of the road clearly shows the ongoing progress in terms of development and security that has taken place in Sool region, and at the same time thanked all those who helped build and complete the main road.

Hon Sahal Mohamed Jama, the deputy Minister of Transport and Road Development said that the road that connects Las Anod and Garaad Ismail Airport is an important one, noting that the ministry is building other roads in Sool region and Las Anod district.

“This new road is one of many roads that we are being constructed in the Las Anod district such as the Adhi-Cadeeye  and Maraga roads and we shall start in the course of Month (March) the construction of a new 30 km Xaraga road, and next month (April) with the support the  Somaliland Development Fund (SDF) shall start the rehabilitation of all major roads in Las Anod, “said the Deputy Minister of Transport and Road Development

Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Sahal Maxamed  Jaamac Oo Xadhigga Ka Jaray Waddo Isku Xidhaysa Laascaanood Iyo Madaarka Garaad Ismaaciil

Laascaanood (W.Gaadiidka)- Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Maamulka Gobolka Gobolka Sool, Degmada Laascaanood, Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland iyo Hay’adda TISS-PLUS ee mashaariicda ka qaadata USAID, ayaa xadhigga ka jaray furitaanka waddo dhererkeedu dhan yahay 5km oo isku xidhaysa garoonka Diyaaradaha Laascaanood iyo magaalada Laascaanood.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhismaha waddadaas, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Sahal Maxamed  Jaamac, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Axmed Yuusuf Axmed, Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Maayirka Laascaanood, saraakiil ka socday Hay’adda TISS-PLUS, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kala duwan.

Xubno kala duwan oo isugu jiray wax-garad, madax-dhaqameed uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, odayaasha degaanka iyo masuuliyiin kale oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha jidkani uu muhiim u yahay horumarka iyo isku socodka degaannada Gobolka Sool, waxayna ammaan u jeediyeen cidkasta oo ka qaybqaadatay dhismaha iyo maalgelinta jidka xadhiga laga jaray ee isku xidhaya Madaarka iyo Laascaanood.

Maayirka magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in waddada xadhiga laga jaray ay tahay mid soo jiidanaysa horumarka iyo isku-socodka degaannada Gobolka Sool iyo guud ahaanba bariga dalka Somaliland, waxaannu iftiimiyey inay Gole-degaan ahaan kaalin weyn ku lahaayeen diyaarinta qorshaha lagu dhisay waddadan, isla markaana ilaa intii la dhammaystirayey ay kala shaqaynayeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo Hay’adda TISS+.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maareeyaha Guud ee Wakaalada  Horumarinta Waddooyinka Somaliland Axmed  Yuusuf  Axmed oo sheegay inay wakaalad ahaan dhismaha jidkan kala shaqeeyeen Golaha Degaanka Laascaanood, waxaannu yidhi; “Waxa aan si gaar ah halkan uga hambalyeynayaa oo aan ugu mahadnaqayaa Hay’adda USAID iyo TISS+, Golaha Degaanka Laascaanood oo uu Maayirku ugu horeeyo oo runtii maanta inoo diyaariyey goobtan aynu xadhigga kaga jarayno waddada ah 5km ee isku xidhaysa magaalada iyo garoonka Garaad Ismaaciil ee Laascaanood, runtiina haddii aannu nahay Hay’adda Waddooyinka Somaliland, bilawgii ilaa dhammaadkii si wanaagsan ayaannu uga wada shaqaynaynay Maamulka Golaha Degaanka Laascaanood.”

Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo goobtaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in dhammaystirka waddada xadhigga laga jaray ay muujinayso horumarka iyo nabadgelyada ka hirgashay Gobolka Sool, isagoo u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha iyo dhammaystirka jidkaas muhiimka ah.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Sahal Maxamed  Jaamac  madasha hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in waddada isku xidhaysa Laascaanood iyo Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Ismaaciil ay tahay mid loo baahnaa, isagoo xusay inay Wasaarad ahaan door weyn ku lahaayeen dhismaha jidkaas muhiimka ah, waxa kaloo uu ka hadlay waddooyin kale oo laga dhisayo degaannada Gobolka Sool iyo gudaha Laascaanood.

“Waddadaas aynu xadhigga ka jarnay waxa nooga horeeyey in aannu dayac-tirnay degmada Laascaanood laga soo bilaabo waddada Adhi-caddeeye, waddada Maraaga, waxa kaloo aannu dhagax-dhignay oo hadda la bilaabayaa waddo 30km ah oo ka baxaysa Xar-gaga, taasoo la bilaabayo ilaa inta lagu jiro bishan March 2020, waxa kaloo aannu la samayn doonaa bisha Afraad (April 2020) waddo laga taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo ah gudaha magaalada Laascaanood,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a Reply

%d bloggers like this: