Somaliland: RDA officials inspect ongoing Hargeisa-Kalabadyh Road Maintenance Works

Mr. Ahmed Yusuf Mohamed, the managing director of Somaliland roads development agency leading a high-level delegation on Saturday embarked on a working visit in Gabiley region to inspect and evaluate the ongoing road construction works on the Hargeisa-Kalabah Highway.

The delegation led by the MD of the roads development agency included Mr. Mohamed-Amin Omer Abdi the Mayor of Gabiley Town, the deputy MD of the roads development agency, Gabiley town councilmen and engineers from the Ministry of Transport whose mission was to evaluate the Hargeisa-Kalabaydh Sustainable Road Maintenance Project (SRMP) funded by GIZ and built by the Hono Group.

Mr. Maulid Nuh, the chief project engineer in charge of the construction of the road was awarded a certificate of appreciation for the excellent work by Mr. Mohamed-Amin Omer Abdi the Mayor of Gabiley Town

The Hargeisa-Kalabah Road Maintenance project is currently underway with a 48km road asphalt paver already built and we hope to reach 49km mark today; Work to fill potholes in a stretch of the road whose distance is 56km is ongoing and we have completed 27km and 52 culverts along the Hargeisa -Kalabydh road section have been repaired and cleaned to control floods during the rainy season.

Some of Gabiley town Councilmen who spoke at the venue said they were pleased with the modern construction of the highway between Hargeisa and Kaladhh, noting that the road was constructed in a modern and good way and thanked the engineers from the roads development agency and the ministry of transport for the superb road rehabilitation works in Somaliland.

Mr. Mohamed-Amin Omer Abdi the Mayor of Gabiley Town commended the MD and deputy MD of the roads development agency and the ministry of transport for conforming with international standards and making sure that are applied in all ongoing road construction works.

The deputy MD of the Somaliland roads development agency said, “The Somaliland roads development agency in conjunction with the Ministry of Transport has put a lot effort in the transport infrastructure especially the Ergavo and Hargeisa Kalabaydh which is vital for the country’s economic & social development and I would like to remind the residents of Gabiley and those who voted for President Muse Bihi and Kulmiye party that their votes were not in vain.

Mr. Ahmed Yusuf Mohamed, the managing director of Somaliland road development agency said that the agency was very pleased with the ongoing road rehabilitation works for the highway linking Hargeisa to Kalabaydh.

He added, “I pleased with ongoing road works which are undertaken in three different sections of the road which include filling of potholes, the current location we are now is where asphalt laying work is ongoing and the other location the road lights and signs are being installed, and thank the Gabiley regional authorities who have really been working with us so far and since Gabiley County council has put in a lot of effort and resources to beautify the road. The roads development agency and the ministry of transport have provided the technical know-how(engineers) as well as the provision of equipment and material form part of the project’s scope”, he said.

Finally, the MD  thanked the Mayor of Gabiley for awarding the chief engineer with a certificate of appreciation which is an acknowledgment of the good work by Somaliland road development agency and the ministry of transport as a whole.

 

Wefti uu Hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka oo Kormeeray Dhismaha Jidka Hargeysa ilaa Kala-baydh

 

Haregysa (W. Gaadiidka )- Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer qiimayn ah ku maray dhismaha lagu casriyeynayo waddada isku xidha Hargeysa ilaa Kala-baydh ee Gobolka Gabilay, iyadoo halkaasna shahaado-sharaf lagu guddoonsiiyey Injineerka guud ee gacanta ku haya dhismaha jidkaas.

 

Weftiga Maareeyaha Guud ee uu halkaas ku tegay manta/shalay oo ay ka mid ahaayeen Maayirka Degmada Gabilay Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Gabilay iyo Injinneerada Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, waxa ay soo kormeereen dhismaha waddadan casriga ah ee ay Hay’adda GIZ ee dalka Jarmalku maalgelintiisa bixinayso, dhismihiisana gacanta ku hayso shirkadda Hono Group.

Maayirka Gabilay Md. Maxamed-ammiin Cumar Cabdi, ayaa shahaado-sharaf  ku maamuusay Injinneerka  Hay’adda Waddooyinka Somaliland ee gacanta ku haya dhismaha waddada u dhexaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Kala-baydh, isagoo sheegay in dhallinyarada Injinneerada ah ay muddada ay waddadaasi socotay xil weyn iska saareen ilaalinta tayada dhinaca dhismaha jidkaas hal-bawlaha ah, waxaanna xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyey ka mid ahaa Eng.Mawliid Nuux oo ah injineerka guud ee mashruucan (project Engineer) ee gacanta ku haya dhismaha waddadaasi.

Eng. Mawliid Nuux oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey dhismaha wadadada iyo halka ay hadda marayso, waxaannu yidhi; “Mashruuca waddada Hargeysa ilaa Kala-baydh waxa hadda inoo qabsoomay oo ay maraysaa Bayfartaasi lagu dhigayo asfalta (road paver) 48km oo weliba ay maanta (shalay) hawl-maadeedkii socoto oo aannu rajaynayno in aannu ilaa maanta buuxino 49km, xaga horena waxa ka sii socda shaqadii kale ee hogaga waddada lagu sii buuxbuuxinayo (Potholes) oo maraya ilaa 56km, xaga dambena waxa soo socda oo Ilaahay Mahaddii inoo soo qabsoomay 27km oo ah in la dhammaystiray dhammaanba wixii calaamado loogu talogalay in waddadu yeelato.”

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Gabilay oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka casriga ah ee loo dhisayo waddada wayn ee u dhexaysay Hargeysa ilaa Kala-baydh, iyagoo xusay in jidkaasi yahay mid loo dhisay hab casri ah oo tayo ahaan aad u wanaagsan, waxayna si weyn ugu mahadnaqeen Injinneerada Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay tilmaameen inay ku hawlan yihiin dedaallo wax lagaga qabanayo dhismayaasha waddooyinka Somaliland.

Maayirka Degmada Gabilay Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi, ayaa sheegay in qaab casri ah oo tayo ahaan aad u fiican loo dhisayo waddada isku xidhaysa Hargeysa ilaa Kala-baydh, isagoo u mahadnaqay Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka ee kormeerka ku tegay goobaha uu ka socdo dhismaha jidkaasi.

“Waddadan Hargeysa ilaa Kala-baydh oo muddaba hawsheedu socotay waxa aan idiinka mahadnaqayaa sida aad uga war-haysaan ee aad xogogaalka ugu tihiin mashruucan, waxa kaloo aynu uga mahadcelinaynaa Hay’adda GIZ taageerada ay ina siisay. Waddadaas quruxda badan ee tayadaas leh, waxa runtii tacabkooda geliyey oo inay tayadaas yeelato heeganka u ah 24-ka saacadoodba waa nimanka dhallinyarada ah ee injinneerada ah, iyadoo ay runtiina nimankaas dhallinyarada ah ee 100% aqoontoodii waddanka u huraya ayaa iska leh ammaanteeda, waxaanuna leenahay aad ayaad ugu mahadsan tihiin, qarankiina waad u shaqayseen,” ayuu yidhi Maayirka Gabilay.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Ku-xigeenka Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo yidhi; “Waxa aannu u taagannahay in aannu nahay Hay’adda ugu waxqabadka badan waddanka Somaliland, anaga iyo Wasaaradayaduba (Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka) oo Wasiirkayagu (Wasiir Cabdillaahi Abokor) iyo Maareeyahayaguba habeen ma seexdaan. Waxa aannu wadnaa waddada Ceerigaabo iyo waddadan Gabilay (Hargeysa ilaa Kala-baydh), markaa waxa aan shacabka reer Gabilay u sheegayaa in aad wax badan naga haysaan, wax badan oo kalena la idiin soo wado oo codkii aad siiseen Madaxweynaha Qaranka iyo xisbiga KULMIYE aydaan ku khasaarin.”

 

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Maxamed oo ugu dambayntii halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay Hay’ad ahaan aad ugu faraxsan yihiin kormeerka ay ku tegeen dhismaha socda ee waddada isku xidhaysa Hargeysa ilaa Kala-baydh, waxaannu yidhi; “Runtii, aad ayaannu ugu faraxsannahay in aannu soo kormeerno waddadan oo meel fiican maraysa oo nooc walba u dhisan, tayo ahaan ka dhisan oo saddex meelood ka socota oo meel ka waxa socota buux-buuxintii godadka (potholes), halkan aynu imminka marayno (goobta ay joogeen) waxa ka socota dhigistii asfalka madaw (asphalt laying), dhinacaas kalena waxa ka soo socotay calaamadintii iyo laydhadhkii waddada oo ay cid walba aragto sida ay u socoto, waxaanan u mahadcelinayaa Maamulka Gobolaha Degaanka iyo Gobolka Gabilay oo runtii si wanaagsan noola shaqaynayey ilaa intii ay waddadu soo gaadhay Gobolka Gabilay oo dedaal iyo dhaqaale badana geliyey inay waddadu aad u qurux badnaato, anaguna aannu farsamo ahaan, aqoon ahaan, injeernimo ahaan iyo hay’ad ahaanba aannu taageeraynay, waxaanan ku faraxsannahay inay shaqadii gabogabo innoogu dhawdahay, waxaanan u mahadnaqayaa Injineeradayada halkan jooga ee sida fiican u ilaaliyey tayada dhismaha waddadan, iyadoo sidoo kale aannu u mahadnaqayno Maayirka Gabilay oo shahaado-sharaf guddoonsiiyey Injineerkayaga guud (Chief Engineer), waxaanan leeyahay shahaadadaasi waa shahaado aynu wada leenahay dhammaanteenba.”



Leave a Reply

%d bloggers like this: