Guddi Heer Qaranka ah oo Qiimayn ku Samaynaya Maalgelinta ay Shirkadda GTS ku Samaysay Daabacaadda Buugga iyo Liisanka Gaadiidka

Hargeysa (W.Gaadiidka)- Guddi Farsamo oo ka kooban Wasaarado  kala duwan, Xafiiska Xisaabaadka Qaranka iyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar shaqo ku maray degmooyinka Burco, Laascaanood iyo Berbera, kuwaasoo u socday sidii loo qiimayn lahaa qalabka iyo dhaqaalaha ay Shirkadda gaarka ah ee GTS (Global Technology Solutions) ku maalgelisay adeegyada samaynta buugaagta iyo liisanka dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ay kala shaqayn jirtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid), ayaa faahfaahin ka bixiyey qaybaha kala duwan ee ay Guddi ahaan ka kooban yihiin iyo ujeedooyinka safarkooda, isagoo xusay in Guddidoodu ay qiimayn ku samaynayaan qalabka iyo shaqaalaha ay Shirkadda GTS ku lahayd Gobollada dalka, iyagoo fulinaya wareegto uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo saaray bishii December ee sannadkii 2019-kii oo gacanta dowladda dib loogu soo celiyey adeegyada ay qaban jirtay Shirkadda gaarka ah loo leeyahay ee GTS.

 

“Ujeedada safarkayagu waxay ahayd anaga oo ah Guddi Farsamo oo ka socota Wasaaradaha Qaranka iyo Hay’adaha Qaranka oo ka kooban dhawr Wasaaradood oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Qaranka iyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, waxayna ujeedadayadu ahayd sidii aannu u qiimayn lahayn qalabkii iyo shaqaalaha Shirkadda TGS ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka kala shaqaynaysay daabacaadda buugaagta, iyadoo aannu socdaalkayagana ka soo bilawnay magaalada Hargeysa oo waxa aannu soo marnay Degmada Burco, Laascaanood, degmada Ceerigaabo ayaannu hawsheedii dhammaystirnay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku.

 

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Wasaarad ahaan hawlo badan oo dhinaca horumarka ah ka qabatay Gobolka Sanaag, kuwaasoo uu xusay inay ugu muhiimsan yihiin dhismaha jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Burco, isagoo intaas ku daray in hawlaha kale ee weli dhiman ee ay ka mid yihiin diwaangelinta gaadiidka Bajaajta ah ay shaqadooda bilaabi doonaan dhawaan haddii Ilaahay yidhaahdo.

Mr. Khaalid Sheekh Maxamed oo ka socday Shirkadda GTS oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in Guddidan Hay’adaha Qaranka ka kooban ay u socdaan sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen qalabka iyo shaqaalaha Shirkadoodu ku shaqayn jirtay muddada ay gacanta ku haysay diyaarinta iyo daabacaadda buugaagta dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Gobolka Sanaag Md. Sheekh Xasan Axmed Cabdalle iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo goobta hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Guddida Farsamo ee qiimaynta samaynaysa ay ku soo dhaweeyaan degmada Ceerigaabo, iyagoo xusay in guddidu ay si fiican u dhammaysatay hawlaha shaqo ee ay u socdeen.

 

Geesta kale, weftiga qiimaynta ah ee uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo ka soo baxay Ceerigaabo, ayaa soo gaadhay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil maanta, waxaanna halkaas ku soo dhaweeyey Isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka ee Gobolka Saaxil oo sheegay in Shirkadda GTS ay kala shaqaysay daabacaadda buugta iyo liisanka dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo loo diyaariyey hab casri ah oo electaroonig ah, isagoo xusay in adeegsayadaas ay Shirkaddu soo kordhisay ay meesha ka saareen dhibaatooyin badan oo ay Wasaarad ahaan markii hore kala kulmi jireen diyaarinta buugta dhaqdhaqaaqa iyo liisanka gaadiidka oo uu xusay in gacanta lagu diyaarin jiray (manual), sidaa darteedna foojari iyo been-abuur badan lagu samayn jiray buugga iyo liisanka gaadiidka, balse hadda arrintaas meesha laga saaray.

 

Maamulaha Shirkadda gaarka loo leeyahay ee GTS Mr. Khaalid Sheekh Muxumed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka warbixiyey qaabka ay shirkad ahaan ula shaqeeyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxaannu yidhi; “Runtii, dhammaanba imtixaankii markii hore loo tegi jiray Hargeysa, diwaangelintii ay dhibaatada badan ka haysatay dowladda ee diwaanka kaydeedu sida fudud u lumi jiray inay maanta tahay mid elegtaroonig ah oo aan lumayn oo aynu xog sugan ka hayno, wixii Hargeysa loo tegi jiray imminka gobollada dalka ayaa lagu qabtaa oo qalabkii ayaannu gaynay magaalooyinka waaweyn ee dalka Somaliland, waana xog sugan oo ilaashan, imminkana waxa aan aad ugu kalsoonahay marka aad eegto baaxadda Wasaaradda iyo shaqaalaheeda inay halkii ka sii wadi doonto hannaankan casriga ah, anaguna waannu u joognaa oo wixii ay farsamo ahaan nooga baahdaan diyaar ayaannu u nahay.”

Masuul ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka Somaliland oo kulankaas lagu qabtay Berbera hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay guddi ahaan u socdaan sidii loo qiimayn lahaa, loona ogaan lahaa maalgelinta ay Shirkadda GTS ku samaysay adeegyada ay u qaban jirtay Dowladda, gaar ahaan qalab iyo lacag wixii ay shirkaddu gelisay, isagoo xusay inay qiimayntan ka soo sameeyeen gobollo ku yaal bariga Somaliland, isla markaana ay degmooyinka dalka oo dhan wada mari doonaan, si loo ogaado xaqiiqda hantida ay shirkadda GTS gelisay maalgelinta hannaanka casriga ah ee loo sameeyo buugaagta dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo liisanka waddista baabuurta.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in magaalada Berbera ay tahay meesha ugu horaysay ee ay Shirkadda GTS ka bilawday shaqada ay la qaban jirtay Wasaaradooda.

“Halkan aynu maanta joogno (Berbera) waa xafiiskii ay shaqada ka bilaabeen, ahmiyadda koowaadna isaga ayaa lahaa, waayo waa albaabka (gate way) Somaliland ku xidhaya adduunyada kale, iyadoo shaqada ay Wasaaradda Gaadiidku qabanaysay inta ugu badan waxa ay qabanaysay degmada Berbera, maadaama ay dekeddii innoogu waynayd ay ku taalo, gaadiidka dalku halkan ayey ka soo degaan oo halkan ayaa diwaangelinta macluumaadkooda (data entry) oo shaqada ugu weyni ka socotay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxaannu intaas ku daray; “Halkan (xafiis ku yaal xarunta Wasaaradda ee Gobolka Saaxil) waxaa ah xafiis aannu ku kaydin jirnay faylashii hore ee diwaangelinta lagu samayn jiray oo roobku ku da’ay, boodh miidhan ah oo aannu xasuus ahaan u hayno, markaa runtii haddii aannu is nidhaahno hal gaadhi faylkiisa baadha waxay nagu qaadan jirtay maalin dhan oo saddex shaqaale ah ayaa inta ay sanka iyo afkan maro ku xidhaan boodhka la iskaga ilaaliyo, laakiin maantana aniga oo xafiiskayga fadhiya ayaa gaadhiga aan u baahno in aan macluumaadkiisa baadho waxa ii haya hal taabasho oo qudha (one click) aniga oo Agaasimaha Guud ah, runtiina wixii Gobollada dalka oo dhan ka soo galay maanta oo dhan ayaan subixii si dhibyar oo fudud u hubin karaa, intaas ayaana horumar iyo ammaan ugu filan Shirkadda GTS.”



Leave a Reply

%d bloggers like this: