Somaliland: Ministry of Transport and Road Development Agency Awards staff for Excellence

Hargeisa (M. Transport ) The Ministry of Transport and Road Development of the Republic of Somaliland has presented awards to staff for their work at the Ministry’s headquarters in Hargeisa’s capital city and other regions of the country, those awarded were recognized as the most active and hard-working employees of the year 2019.

In a ceremony held at the Ministry of Transport and Road Development Agency headquarters today and attended by senior officials led by the Minister of Transport. Abdullahi Abokor Osman, Director General of the Ministry Omar Abdullahi Adan (Omar Sayid), Minister of Youth and Sports Boos Mohamed Mire, Ms. Yurub Abiib , the Deputy Minister of the Ministry of Livestock and Fisheries, Deputy Commissioner for Civil Service, Abdikarim Mohamed H Ali and other officials.

Mr. Omar Abdullahi Adan (Omer Sayid), the Director-General of the Somaliland Ministry of Transport and Road Development speaking at the function said that the aim of this event was to recognize and celebrate the workers that are making government a better place to work. We hope to inspire others who are working to make careers in the public sector a satisfying choice as well as a meaningful one.

“The purpose of the event is to reward eligible employees for their work as loyal, capable and being efficient contributors, this event will also motivate fellow your steps as role models. The main choice was attendance and their presence at the workplace and for being creative, hardworking and dedicated,” he said.

He added that out of the 42 workers nominated for the awards by the departmental heads but only 19 were eligible and shortlisted, that is why we thought best to choose those to represent our award categories.

Ministry of Transport and Road Development Agencies departmental heads who spoke during the function stated that the recipients of the awards were drawn from all the various ministry departments based across all the regions of the country.

Mr. Mohamed Ahmed Sugaal , Director of the Human Development Department at the ministry of transport said, “It’s imperative that we should award every hardworking employee and It is an honor and privilege that the staff of the ministry should be praised and I urge the director-general to award hardworking workers once every three months.

Director of the Department of Books, Licensing and Records, Ms. Ayan Abdiaziz speaking on behalf of fellow workers said. It is truly an honor for us today as the Ministry of Transportation and Highway Development staffers is been rewarded for their work, although all staff is worthy for the awards.

Minister of Youth Affairs and Sports, Mr. Boos Mire Mohamed, the Deputy Minister of Livestock Development and Fisheries, Ms. Yurub Abib, Deputy Chairman of Civil Service Commission and other officials who spoke at the ceremony applauded Ministry of Transport and Road Development Agency for setting a good example by boosting the morale and motivating its staff and further lauding the 19 recipients for their achievements.

Minister of Transport and Road Development Somaliland Abdillahi Osman Abokor, who addressed the occasion at the ceremony, congratulated the award-winning staff and urged the entire staff of the Ministry to double the services to the nation.

“We are all winners since nobody would have done so on their own, we serve the ministry of transport and road development agency together, the workers will not only be issued with certificates of appreciation but also with a financial bonus, ”said the minister of transport.

He added, “I really want to thank the staff here again, because the pride we have is the one you have done for us, and Insha Allah we would like to do our best to reward you.”

 

 

 

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Abaalmarino Kala Duwan Siisay Shaqaalaha Hawl-karnimada Muujiyey Sannadkii 2019

 

Hargeysa (W.Gaadiidka)- Wasaaradda  Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey shaqaalaha ka hawlgala xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin shaqaalaha ugu shaqada fiinaa, uguna hawl-karsanaa sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland maanta, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid), Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Maxamed Mire, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Yurub Abiib, Guddoomiye Kuxigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, C/kariim Maxamed X Cali iyo msuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay ujeedooyinka laga leeyahay abaalmarinaha la guddoonsiiyey shaqaalaha hawl-karnimada muujiyey, isagoo xusay in arrintan looga dan leeyahay in dhiirigelin loo sameeyo shaqaalaha Wasaaradda.

“Ujeedada xafladdu waa in la abaalmariyo shaqaalaha mutaystay ee hawsha ay qaranka u hayaana sida daacadnimada, kartida iyo hufnaanta leh uga qaybqaatay, waxayna abaalmarintaasi daaran tahay inay ku daydaan shaqaalaha kale oo ay noqdaan jiil lagu daydo (role model). Waxa ugu weyn ee lagu dooranayey waxa uu ahaa joogtonimada shaqada (attendance) oo haddii ay iskaga mid noqdaan shaqo-joogtonimadana waxa lagu dooranayey inuu hal-abuurka, kartida iyo sida ay shaqada u qabanayaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxa kaloo uu sheegay in markii hore loo soo gudbiyey shaqaale tiradoodu ka badan tahay inta loogu talogalay in abaalmarinta la siiyo, waxaannu yidhi; “Waxa xusid mudan in wejigii hore la noo soo gudbiyey shaqaale tiradoodu ay ahayd 42 shaqaale ah, waxayna Agaasime-waaxeedyadii soo gudbiyey mararka qaarkood ayey keenayeen saddex qof oo ay lahaayeen saddexdaas qof waannu kala saari kari waynay oo wax walba waa iskaga mid, markaa macnaheedu waxa aannu 19 shaqaale ah u soo saarnay, si aanay tiradu innoogu badan waxa laga yaabaa inay jiraan dad isku mid ah oo aannu si dirqi ah ku kala saarnay.”

Xubno ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo iyaguna munaasibaddaas hadallo ka jeediyey, ayaa si xooggan u ammaanay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda, iyagoo si gaar ahna u hambalyeeyey shaqaalaha abaalmarinta la siiyey ee loo gartay inay yihiin hawl-wadeennada shaqada ugu badan qabtay sannadkii 2019-kii, waxayna caddeeyeen in shaqaalaha la abaalmarinayo ayey yihiin shaqaale ka socda dhammaanba xarumaha Wasaaradu ku leedahay Gobollada Somaliland.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta shaqaalaha  ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka   Maxamed Axmed Sugaal ayaa yidhi:- “Waa waajib qaran in qofka dedaala la xuso, waana maamuus iyo sharaf in shaqaale-weynaha Wasaaraddu iyaga oo wada wanaagsan, haddana kuwo ka mid ah la tilmaamo, waxaana ammaanteeda leh oo ay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud-na gadh-wadeenka noogu yihiin in aanan sannadkii oo qudha uun shaqaalahayaga xusin ee in aannu saddexdii biloodba hal mar aannu xusno shaqaalayaga.”

 

Agaasimaha Waaxda Buuga, Liisanka iyo Taarikadda Marwo Ayaan Cabdicasiiis oo Iyana ku hadashay afka shaqaalaha ayaa tidhi:-“Runtii sharaf weyn ayey maanta noo tahay in shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka kuwii ugu mudnaa ee loo gartay la abaalmariyo, inkasta oo ay dhammaanba shaqaaluhu wada mudan yihiin, haddana shaqaalihii ay soo saartay ee soo xushay Waaxda Shaqaaluhu kuwii ugu mudnaa ay noqdaan oo abaalmarin la siiyo, taasna waannu ku wada faraxsannahay.”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga marwo Yurub Abiib, Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyiin kale oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku ammaanay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland sida fiican ee ay dhiirigelinta ugu samaysay  guud ahaanba shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan shaqaalaha la yimid shaqo-wanaaga sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii, waxa kaloo ay hambalyo u direen shaqaalaha tiradoodu dhan tahay 19 xubnood ee abaalmarinaha kala duwan la guddoonsiiyey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Cismaan Abokor oo ugu dambayntii munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa hambalyo u diray shaqaalaha abaalmarinta mutaystay, isagoo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay inay sii labanlaabaan hawlaha shaqo ee ay uga masuulka yihiin qaranka Somaliland.

“Ma jirto cid si gaar ah u guulaysatay oo guushana waynu wada leennahay, sababta oo ah magac ayeynu wadaagnaa, kaasoo ah hal magac oo ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, markaa dhammaanteen waynu wada guulaysannay oo innaga maanta abaal-gudkeennu maanta noqon maayo uun shahaado, balse shaqaalahaas abaalmarinta mutaystay ee tiradoodu dhan tahay 19-ka shaqaalaha ah waxa loogu abaal-gudi doonaa shahaado iyo qofkasta oo la siin doono lacag Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aan runtii jecelahay in aan halkan mar labaad uga mahadnaqo shaqaalaha, sababtoo ah sharafta aynu leennahay waa mid aad idinku noo samayseen, anaguna Insha Allaah waxa aannu jecelnahay in aannu wixii itaalkayaga ah ku deddaalno sidii aannu abaalkiina gudi lahayn.”

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: