Somaliland: Traffic Police launch operation to net Public Transport Vehicles without Speed Governors

Hargeisa (M. Transport)  The Somaliland Traffic police Together with Ministry of Transport officials have launched operations to net public transport vehicles that failed to comply with a proposal previously issued by the Ministry of Transport and Road Development agency to equip their vehicles with speed control systems.

The traffic police officers together with the Ministry of Transport officials on Monday launched the operation in which they netted many public transport vehicles plying upcountry routes and other regions in the western and eastern police highway checkpoints for failing to obey orders to install speed governors in their vehicles.

Commander of the Somaliland traffic police Col. Mohamed Egge flanked by top traffic police officers briefed the press on the ongoing operation in which he said, “The traffic police force has begun enforcing the traffic laws which stipulates every public transport vehicle must be equipped with speed governors, next will be water boozers, dumper trucks, lorries and Khat transporters in the coming 60 days and anyone who fails to obeys shall be arrested.

“I would like to inform members of the public that we shall take appropriate action against any operator who alters the speed control equipment and endangers the safety of commuters and road users,” he said.

Ms. Ayan Abdiaziz Mohamed, the director of license and records department in the Ministry of Transport said,” It is a must for all vehicles to be equipped with speed control gadgets and those who fail to do shall be dealt with.

“Today we are implementing and ensuring that the instructions are fully automated and that the various passenger transport firms have installed their vehicles with speed governors and those without shall be arrested and fined since we gave them six months to do so. This directive is meant to increase safety and reduce accidents in our roads,” Ms. Ayan Abdiaziz Mohamed, the director of license and records department said.

Mr. Muse Yusuf, director of the transport department in the Ministry of Transport said, “As you can see, the operation Is ongoing in Hargeisa and Borame, we had previously in the past six months issued the directive to each and every public commuter companies office and traffic police have started enforcing the law.

 

 

 

Ciidanka Nabadgalyada Wadoyinka Oo Talaabo Sharci Ku Fuliyey Gaadiidka Basaska Rakaabka Qaada Ee U Hogaansamiwaayey Amarkii Wasaaradda Gaadiidka Ee Dhimida Xawaaraha Socodka

Hargeysa (W. Gaadiidka)- Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah u bilaabay inay hawlgal ay ku qabqabanayaan gaadiidka basaska ah ee aan fulin  baaqii ay hore ugu soo jeedisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka xakameeya xawaaraha baabuurta qaada dadweynaha.

Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo kaashanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa shalay hawlgal ka fuliyey kaantaroolada ku yaal jidka caasimadda Hargeysa uga baxa gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland, iyo kuwa goboladda kale Dalkka iyadoo halkaas lagu qabtay gaadiid badan, gaar ahaan basasba rakaabka u kala qaada gobollada dalka ee aan u hoggaansamin amarkii ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka lagu xakameeyo xawaaraha gaadiidka.

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland Mr. Maxamed Cige iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallada ay bilaabeen gelinkii hore ee shalay.

“Anigu Ciidanka Boolis ahaan, waxa aannu fulinaynaa awaamiirta ka soo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland oo shirkadaha gaadiidka ee dadweynaha bacadka wadhaya ee hore loo iclaamiyey, waxa aannu leenahay ha ka daayaan oo ha qaataan wixii sharci ah oo booyadaha oo iyaguna ugu dambeeya, Iska-rogooyinka waxa aannu anagu leenahay wixii sharciga khilaafa waannu qabanaynaa. Waxa kaloo aannu dadka u sheegaynaa oo aannu iclaamin doonaa baabuurta qaadka, booyadaha, Iska-rogooyinka, kuwaasna waxa loo qabtay muddo lixdan (60) maalmood ah inay ku qaataan qalabka xawaaraha lagu yareeyo, wixii lixdankaas maalmood ka dambeeya haddii ay ku soo qaadan waayaan wixii sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa, haddii Ilaahay yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland.

“Waxa aan dadweynaha u sheegayaa in haddii arrintaas ay dirawaliintu khalkhal-geliyaan oo ay qalabkaas khalkhal-geliyaan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.”

“Waxa aannu u sheegaynaa dadweynaha oo ay khasabna tahay in aannu kula shaqayno siyaasaddeeda iyo hawlaheeda, waxaanan maanta (shalay) u soo baxnay si aannu u dhimi lahayn, sidii aannu uga hubin lahayn xawaaraha gaadiidka, iyadoo la eegayo cidda qaadatay qalabkaas, sida ay u isticmaalayso.”

Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed oo ah Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisamada ee Wasaaradda Gaadiidka oo halkaas hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay inay waajib tahay in gaadiidku qaataan qalabka lagu xaddidayo xawaaraha gaadiidka, ciddii amarkaas u hoggaansami waydana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Maanta waxa aannu fulinaynaa oo hubinayaa in awaamiirtii ay sidooda u wada fuleen iyo in gaadiidka shirkadaha kala duwan ee rakaabka lagu wada xidhay qalabka xaddidayo xawaaraha gaadiidka, waxaanna la hubinayaa gaadiidka intay qalabkaas qaateen, haddana iska furay iyo gaadiidka aan weli isku xidhan qalabkan, waxayna mutaysan doonaan ganaax, waayo waqtiga la siiyey oo ku buuxay muddo saddex bilood ah oo hadda dhammaaday, waxayna tani daba socotaa sidii loo yarayn lahaa shilalka khasaaraha ba’an gaysta ee dalka ka dhaca.” Sidaa waxa tidhi Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisaamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Muuse yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo gaadiidka aan u hoggaansamin muddada loo qabtay, waxaannu yidhi; “Sida aad arkaysaan shaqadu way socotaa oo Boorama-na way ka socotaa, Hargeysa-na way ka socotaa, markaa shirkadda gaadiidka ee muddadii aannu u qabanay ee aanu waraaqaha xarumahooda gaynaynay aan heshiiskii gelin ama qalabkii ka wareegaysanaysay maanta waxa ay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinku ay ka qaadayaan tallaabo sharciga waafaqsan.

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: