Somaliland: 17 containers with appliances for construction of culverts arrive

Berbera (M. Transport) Erigavo-Burao to be constructed aptly with culverts for transverse drainage
17 containers holding direly needed culvert construction facilities meant for water-way transvers drainages for the Burao-Erigavo roads have reached the port of Berbera.
While disclosing the fact the Transport and Roads Development Minister Hon. Abdillahi Abokor Osman said that there were 163 seasonal rivers or streams that dotted the Erigavo-Burao road that needs proper culverts to tame the water currents.
Flanked by Finance Minister Hon. Dr. Sa’ad Ali Shire, Hon. Abokor noted that the said road was more than twice the distance of Berbera – Hargeisa highway with 58 water current points crossing the road.

The minister revealed that the culvert facilities worth 983,000 US Dollars were purchased from South Africa hence more containers were on their way.
Hon. Sa’ad acknowledged the need of the facilities in the roads constructions noting that their imperativeness would help save the constructed roads from un-due perils due to flash floods.
The Port Manager who was at hand to conduct the tour of the cabinet ministers at the harbor pledged that they would expedite expreessly the handling of the forthcoming containers once they hit the port.

The duo who was accompanied by the Education director-general.
Earlier on they inspected the site of the ongoing construction of the new port being put up near the old one.

 

17 Koontiinar Oo Ay Ku Jiraan Sabada Biyo Mareenada Wadada Ceergaabo Iyo Burco Isku Xidha Ayaa Soo Gaadhay Dekeda Magaaladda Berbera

Berbera (W.Gaadiidka) Wasiiradda Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Gaadiidka & Horumarinta jidadka oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sidoo kale maareeyaha dekedda Berbera ayaa soo kormeeray dhismaha dekedda cusub ee laga wado meel u dhaw dekedda Berbera maalinimadii khmiista ee 2 January, isla markaasina soo indho indheeyey koontiinaro ay ku  jiraan qalab loogu talo galay in lagu dhiso biriishyada wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha.

Hadalo ay halkaasi ka soo jeediyeen maareeyaha dekeadda Berbera iyo xubnahaasi wasiirada ah ayaa ugu horeyn maareeyuhu ka warbixiyey dekedda iyo hawlaheedu sida ay yihiin.

Maareeyaha dekedda Berbera oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Weftigan ka soo kicitimay caasimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo madaxda kale ee hay’adda wadooyinka ka socotaba aadbaan idiinku soo dhaweynayaa dekedda weyn ee magaalada Berbera”.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Run ahaantii Sacaadatul Wasiir agabkan faraha badan leh ee  aad u keentay sidii wadada looga celin lahaa dooxyada  oo dhib badan ku haya dalkeena runtii aadbaanu kuugu boorinaynaa ka maamul deked ahaan waxaanu kuu balan qaadaynaa agabka dambe ee imanaya sida ugu dhakhsaha badan inaanu idiinku shaqayno waayo mashaariicda dalku u baahan yahay waa muhiim inaanu muhiimada siino ka deked ahaana waanu kuu balan qaadaynaa 20 Koontiinar inta ka badan ee hadhayna Insha Allah sida ugu dhakhsaha badan inaanu kuula shaqayno oo aanu u soo saarno ayaanu kuu balan qaadaynaa”.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa ka warbiixiyey qalabkan loogu talo galay buundooyinka Wadad, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wasiir qalabkan waa qalab biyo mareenada loogu talo galay mashruuca wadada Ceerigaabo sidii sanadkan 2020 loo dhamaysitiri lahaa wadada Ceerigaabo ilaa Burco isku xidha, runtii waxa ay u baahnayd ama dhibaatada u weyn ee ka taagnayd xaga biyo mareenada oo aan waxba laga qabanin, marka laga tago sadex meelood oo laga dhisay sabad, markaa muhiimada ay leedahay waxaanu wasaarad ahaan dalbanay qalabkan oo laga keenay dalkaasi Koonfur Afrika waana 17 Koontiinar, lacagta inagaga baxaysaana 983,000 Dollar (Sagaal boqol iyo sadex iyo sideetan kun oo dollar), waxaana la keenay qaybtii ugu horeeyey inta hadhayna sida ugu dhakhsaha badan ayey inoogu imanayaan qorshaha guud ee la doonayo in laga dhiso meeshaasi waxa weeyaan 163 biyo mareen ayey yeelanaysaa, sababta oo ah wadadaasi waxa ay ka dheertahay laban laab wadada Hargeysa iyo Berbera isku xidha oo Hargeysa iyo Berbera waxa ku jira 58 xabo, laakiin halkaasi waxa ay u baahatay maadaama oo ay waddo dheer tahay oo meeshuna siman tahay 163 biyo mareen”.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Horta marka ugu horeysa farxad iyo sharaf ayey noo tahay in aan munaasibadan kala soo qayb galo wasiirka oo anigu malin aan fogeyn oo maalin dhaweyd ahayd waxa aan tagay Ceel-afweyn waxaanan soo arkay shaqada balaadhan ee qiimaha leh ee wasaaraddu qabatay sanadkii ina soo dhaafay waanan ku bogaadinayaa, waxa kale oo aan soo arkay baahida loo qabo birahan oo laba shay muhiim u ah mar waxa ay dhawrayaan oo dhaqaalaynayaan wadada oo ay biyuhu inaga qaadi lahaayeen marna waxa ay inaga yaraynayaan shilalka oo godadka hadii la sibdhiyo gaadhigu isaga oo xawaare dheer ku socda ayuu soo galayaa dabeeto had iyo jeer shilalku halkaasi ayey ka abuurmaan, markaa labadaasi shayba waa ka dawo”.

Qalabkan ayaa wax badan ka tari doona wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, isla markaana gabo gabayn doona dhismaha jidkaasi oo meelaha u waaweyn ee hadhsan ay ka mid yihiin biriishyada wadada loo sameynayaa.



Leave a Reply

%d bloggers like this: