The First 10 km of Berbera Corridor to be completed in January 2020

Hargeisa (Ministry Transport) Minister of Transport and Road Development of Somaliland Abdullahi Abokor Osman, visited the Berbera Corridor road construction work to connect the port city of Berbera and the town of Wajaale on the border between Somaliland and Ethiopia.

 

The Minister of transport accompanied by representatives of Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment (NBHH) and Conser Consultant tasked with the construction of the vital road announced that the first 10 kilometres will be completed by the month of January 2020 and the overall road construction works will be completed in the month of May

2021.

 

Eng.  Abdikarem Omer, the top engineer in the ministry of transport and road speaking during the occasion said, “We have started major road works between Hargeisa and the town of Dacar-Budhuq which is part of the Berbera Corridor and we expect the completion of 20km by mid-January 2020, together with the construction of the Dacar-Budhuq bridge which is now underway and other bridges will follow in the future.

 

Mr. Mohamed Yahya, one of the executives at Conser Consultant said,

“”If God says, this project will be one of the best projects in the Horn of Africa.

 

Eng. Tayasir of Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment (NBHH) who spoke there said that the Berbera Corridor would be completed in the most efficient and beautiful way, we said, “We would like to thank the Minister and his highly experienced engineers, who are always helping us in solving any challenges that we face, through our Abu Dhabi Development Fund, and in partnership. We are working with the Government of Somaliland, the Ministry of Transport and Road Development.

 

“We have been running this project for the last three months and are now planning to complete it up to 10 km by January 2020, God willing we shall start the next 10 km, we shall be announcing and showcasing our work with the completion of each section. We are working to the best of our ability, and our capacity will not be interrupted Insha

Allah and we plan to build a modern road with all the features of modern roads.

 

We are working with six Somaliland contractors, working in different areas, progress on each side, and we want to increase the speed of construction and start the second phase of Dacar-Budhuq to Berbera. , let us proceed next to the building and proceed from Kala-baydh to

Wajale. ”

 

Minister of Transport and Road Development Somaliland Abdullahi Abokor

Osman speaking during the assessment tour, commended the various companies involved in the construction of the Berbera Corridor. “We have come here to observe and get information from the engineers on the Berbera Corridor from Berbera, Hargeisa to Wajale, and it is really a large project, so we would like to urge the Somaliland people to hope that it will be completed in the best form. The project is scheduled to be completed by May 2021 (Insha Allah), and work has now been in place for six months. ”

 

He added,“Although the road is currently being used, it’s imperative that a new road will be built for use while the construction of the

Berbera corridor is underway, so in the past four months the alternative road was built and according to engineers, the first ten kilometers of the Berbera Corridor is expected to be completed by

January 2020 (Insha Allah),.The road is been built in accordance with international road standards complete with road signs , road safety signs and since the government took the path of building a combined side protection (side riles) for protection against accidents together with the construction of another bridge and we have six engineers on site at any given time to monitor and to ensure the quality ofconstruction.

 

The Minister of Transport and Road Development said that the government will not allow any shady roadworks which doesn’t meet the international road standards , adding that the ministry will develop procedures to measure traffic and freight traffic, so that the roads are safe

 

“Of course, the government of Somaliland is not going to compromise on quality, so the work is just beginning. God willingly we shall see the completion of this road. We are responsible for repairing it and among the Ministry’s plan for 2020 is to establish weight bridges to deteroverloads that may damage the roads.

 

He added, “The old road was 7 meters wide, and now we want to build an

11.3-meter wide road, with a carriageway of 8 meters, while the other

3.3 meters will be the most modern road surface, and in line with international road standards.

 

 

 

 

 

 

Waddada Berbera Corridor oo la dhammaystiri doono 10km bisha January ee sannadka 2020

 

Hargeysa (W. Gaadiidka)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ka socoto dhismaha waddada Berbera Corridor ee loogu talogalay inay isku xidho magaalada dekedda ah ee Berbera iyo magaalada Wajaale ee ku taal xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

 

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo saraakiil ka tirsan shirkada  gacanta ku haya dhismaha Berbera Corridor ee Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment  (NBHH) iyo Shirikada la taliyayaasha Conser  Consultant oo saxaafadda la hadlay maanta/shalay, ayaa caddeeyey in qiyaas dhan 10km oo jidkaas ah la dhammaystiri doono bisha January ee sannadka 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo, sidoo kale guud ahaanba waddada la dhammayn doono bisha May ee sannadka 2021 haddii Ilaahay yidhaahdo.

 

Eng. Cabdikariin Cumar oo ah Injineerka guud ee Wakaalada Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xog-waramay halka uu marayo dhismaha waddada Berbera Corridor, waxaannu yidhi; “Inta u dhexaysa Dacar-budhuq iyo Hargeysa waxa ka socota shaqadii weynayd ee mashruuca Berbera Corridor, shaqaduna imminka meel fiican ayey maraysaa oo ilaa bisha dambe badhatamaheedana  (Januar 2020) Insha Allaah la dhammeeyo ilaa 20km ayaannu rajaynaynaa, waxa kaloo socda mashruucii dhismaha biriijyada cusub, waxaanna hadda si xawli ah u socda dhismaha biriijka Dacar-budhuq oo inta kalena way ku xigi doonaan.”

 

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Yaxya oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda la taliyayaasha Conser Consultant “Haddii Ilaahay yidhaahdo, waxa uu mashruucani noqon doonaa mid ka mid ah mashaariicda ugu fiican Mandaqada Geeska Afrika.”

 

Eng. Tayasiir oo ka socda Shirkadda dhisaysa wadada ee Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment  (NBHH)  Oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan dhismaha Berbera Corridor ay u dhammaystiri doonaan sida ugu tayada iyo quruxda badan, waxaannu yidhi; “Waxa aannu jecelnahay in aannu u mahadnaqno Wasiirka iyo injineeradiisa khibradda sare leh, waxayna mar walba naga caawiyaan dhinacyada xallinta wax kasta oo caqabad ah oo na soo food saara, iyadoo aannu mashruucan ka qaadanay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (Abu Dhabi Fund), waxaanan iskaashi kala leenahay Dowladda Somaliland, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Waxa aannu mashruucan wadnay ilaa saddexdii bilood ee u dambeeyey, waxaanna hadda noo qorshaysan in aannu dhammaystirno ilaa 10 km marka la gaadho bisha January 2020 Insha Allaah, kadibna aannu bilawno 10 km ee ku sii xiga, iyadoo aannu doonayno in kolba qaybta aannu dhammaystirno soo bandhigno, waxaanan u shaqaynaynaa sida ugu fiican ee ugu tayada badan, iyadoo aanan awoodayada waxba iskala hagran doonin Insha Allaah oo aannu waddadan u dhisno hab casri ah oo wadata dhamaanba astaamaha lagu yaqaan waddooyinka casriga ah. Waxa nala shaqaynaya ilaa lix qandaraaslayaal reer Somaliland ah (six Somaliland contractors), waxaana laga shaqaynayaa dhinacyo kala duwan, dhinac walba horumar ayaa laga gaadhay, waxaanan doonaynaa in aannu xawaaraha dhismaha sii kordhinno, kadibna aannu bilawno qaybta labaad oo ah Dacar-budhuq ilaa Berbera, haddana aannu ku sii xigsiino dhismaha oo aannu ka soo bilawno Kala-baydh ilaa la gaadhayo Wajaale.”

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey shirkadaha kala duwan ee gacanta ku haya dhismaha waddada Berbera Corridor, waxaannu yidhi; “Waxa aannu halkan u nimid in aannu yara kormeerno, xogna aannu ka helno injineerada dhisaya waddada la yidhaahdo Berbera Corridor ee Berbera, Hargeysa ilaa Wajaale, runtiina waa mashruuc ballaadhan, markaa waxa aannu jecelnahay in aannu halkan uga bayaaminno ummadda reer Somaliland in aannu rajaynayno in mashruucaasi uu sidii qorshuhu ahaa dhammaado marka la gaadho bisha May ee sannadka 2021-ka (Insha Allaah), shaqaduna imminka way socotay muddo lix bilood ah.”

Waxaannu intaas ku daray; “Maadaama ay waddadu tahay waddo irmaan (oo la isticmaalo) waxa jiraya laba waddo oo waxa khasab ah in la dhiso waddadii la mari lahaa inta uu socdo dhismaha waddada Berbera Corridor, markaa imminka afartii bilood ee ugu dambeeyey waxa la dhisayey jidkaas la sii isticmaali doono oo ilaa Berbera waa la dhammaystiray, iyadoo sida ay injineeradu noo sheegeen la rajaynayo in tobanka killomitir ee ugu horeeya Berbera Corridor la dhammaystiro bisha January ee sannadka 2020 (Insha Allaah), waxaanna la raacinayaa waa heerarka caalamiga ah ee waddooyinka loo dhiso oo waa dhismihii waddada, calaamadihii waddooyinka (road signs), bad-qabkii waddada (road safety), sababtoo ah Dowladda Somaliland waxay qaadatay in waddo kasta oo la dhisayo in la raaciyo dhinacii bad-qabkana, si ay inooga yaraadaan shilalka gaadiidku, biriijkii kalena wuu garab socdaa oo anaga waxa halkan ka jooga lix injineer oo ka tirsan Wasaaradda, waxayna inta badan qabtaan shaqo ah inay kolba hubiyaan heerka tayada la dhisayo.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in aanay dowlad ahaan ogolaanayn in la dhiso wax tayo ahaan ka sokeeya heerarka waddooyinka ee caalamka, isagoo sidoo kale xusay inay Wasaarad ahaan samayn doonaan hababka loo cabbiro culayska gaadiidka iyo xammuulka ay sidaan, si aannu waddooyinka iyo biriijyada ugu dhici culays ka weyn heerkooda.

“Runtii, Dowladda Somaliland xaga tayada (quality) ka samayn mayso wax tanaasul (compromise), markaa kolayba shaqadu waa bilaw ee waxa aan jecelahay Insha Allaah oo aynu Ilaahay ka rajaynaynaa in aynu arki doono waddadaas oo dhisanta, innagana waxa uu xil innaga saaran yahay in aynu dayactirno, waxaanna qorshaha Wasaaradda ee sannadka 2020-ka ka mid ah in la sameeyo heerka cabbirka culayska biriijyada (weight bridges) oo aannu miisaan badan oo ka saayid ahi aanay waddada innagaga dhicin, markaa waxa muhiim ah in aynu ilaashanno waxa aynu haysanno,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu ka hadlay

“Waddadii hore balladhkeedu waxa uu ahaa 7mitir, imminka waxa aynu doonaynaa in la dhiso waddo balladhkeedu dhan yahay 11.3 mitir, iyadoo inta loogu talogalay in gaadiidku maro (carriage) uu yahay 8 mitir, halka ay 3.3 mitir ee kale noqon doonaa garbihii waddada oo si casri ah iyagana loo dhisayo, marka sidaas heerka caalami ah loo dhisana waxa noqon doontaa waddo hoos u dhigta shilalka gaadiidkii isku dhacayey, calaamadahana waynu arki doonaa Insha Allaah bisha koowaad (January 2020), haddii uu Ilaahay innagu simmo.”



Leave a Reply

%d bloggers like this: