Berbera: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Mashaariic Kala Duwan Xadhiga Ka Jaray.

Berbera (W.Gaadiika) Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Sayid ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay yeelan doonaan iskaashatada gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ee magaalada Berbera, waxaana xafiiskaasi oo laga sameeyey agagaarka dekedda Berbera faahfaahin ka bixiyey  Guddoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda Tawfiiq Ee Bariga Afrika Ee Somaliland Cumar Ismaaciil Fidhiqo oo si qoto dheer uga hadlay tacabkii ay soo galiyeen dhismaha gurigan iyo xaaladihii ay ku sugnaayeen gaadiidleydu muddooyinkii u dambeeyey.

Guddoomiyaha oo arrimahaasi  ka hadlaya  waxa uu yidhi “Halkani waxa weeye  xafladii xadhig ka jarista xarunta iskaasada intii aanu muddo xileedka joognay, waxaan u mahadcelinayaa ILAAHEY  ayaa mahadaa iska leh, waxa kale oo aan u mahadcelinayaa madaxda nagala soo qayb gashay ee sharafta leh ee agaasimaha guud hormuudka u yahay”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Muddo xileedka aanu joognay sanadkii wakhti yarbaa nooga hadhay waana wixii u horeeyey ee aanu qabanay Tawfiiqna hore loogama baran inay waxqabad sidan oo kale ah isugu timaado waana kii noogu horeeyey ILAAHEY ayaa mahadaasi iska leh waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa dawladda maanta jirta, gaar ahaan wasaaradda gaadiidka oo intii Somaliland jirtay waxqbad gaadiid ka muujisa oo u timaada sahashaynta inay maanta horumarkaasi sameeyaan gaadiidku, wax badan ayaa noo dhiman, waana wixii u horeeyey ee aanu qabanay wax badan ayaa rikoodhka noogu jira inaanu qabano aniga iyo guddida wakhti yar ayaa noo hadhay shan bilood meelahaasi ah oo inaanu jawi jawigii hore ka bedelan aanu kaga tagno haddii ALLE ka dhigo”

Xubno kale oo ka mid ah guddida ururka Iskaashatada gaadiidka waaweyn oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhammaantood ku dheeraadeen sida ay horumarinta ururka diyaarka ugu yihiin, iyaga oo ka sheekeeyey hawshii ay u soo mareen hirgalinta xaruntan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Sayid oo madaashi ka hadlay ayaa waxa uu ku amaanay iskaashatada tacabka ay galiyeen dhismahani gaadiidleyda iskaashatada Tawfiiq ee magaalada Berbera.

Agaasimaha ayaa waxa uu ku yidhi khudbadiisa uu munaasibada ka jeediyey “Guddida cusub maalintii la doortay oo uu hoggaaminayo cumar waanu balanay oo shir gaar ah ayaanu sii galay, waxaananu u sheegnay afar shay inuu qabto muddo xileedkiisa afartiina maanta laba ayuu qabtay, haddii uu shantaa bilood mid sadexaad qabto in dib  loo dooranayaan filayaa isaga iyo guddidiisa, afarta shay ee aanu kula balanay waxa uuu ahaa wixii ka kharibmay maamulkii hore ee gaadiidkii lacagta lahayd, fadhiisinta maamulka iyo isku duba ridkiisa inuu ka soo baxo waana uu ka soo baxay qodobka labaad waxa uu ahaa inay iskaashatadu yeelato xafiis u gaar ah maadaama oo ay xafiis kiro ah ku jiraan taana  maanta uu  ka soo baxay oo waynu uga mahadnaqaynaa qodobka sadexaad waxa weeyi in gaadiidka Somaliland la tiro koobo oo ID Card loo sameeyo oo cidda wadata la yaqaano si ay amnigiina uga qayb qaadato, qodobka afraadna waxa weeyaan in maamulka gaadiidka loo sameeyo hab digital oo casriya, waxa kale oo aan iskaashata ku boorinayaa marar badan waxa dhacda marka roobabku da’aan gaadhi haduu idinka ciladoobo wiish ayaad u baahataan waxa ay ila tahay maantana inaad Wiish iibsan kartaane waxaan idinku boorinayaa inaad xabad wiish ah oo halkan idiin taagan oo marka gaadhi dhaco ku toosisaan aad samaysataan aad iyo aad ayaanan guddida ugu mahadcelinayaa”.

Dhinaca kale waxa uu agaasimuhu xadhiga ka jaray xafiis wasaaraddu ku yeelan doonto Magaalada Berbera  oo lagu diiwaangalin doono gaadiidka yar yare ee doonyaha badda iyo gaadiidka waaweyn ee xamuulka u qaada dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Agaasimaha ayaa faahfaahin ka bixiyey xafiiska ay xadhiga ka jareen  iyo waxa ay ugu talo galeen wasaarad ahaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Xafiiskani waxa uu ka shaqayn doonaa gaadiidka badda oo runtii adeeg u baahan, wasaaraddu gaadiidka bariga bileedh nambarkiisa waa ay bixisaa oo waad wada taqaanaan, laakiin gaadiidkeena badda bileedh nambar ma yeeshaan markaa adeegiisa ayuu qaban doonaa, xafiiskan hawsha kale ee lagu qaban doonaa waxa weeyaan in rarka gaadiidka Itoobiya u baxaya lagu kala tiriyo maadaama oo aynu heshiis ku wada jirno in aynu kala badh u qaybsano 50/50 oo sanadkii dhamaaday rarka Dekedeena ka socday 75% in ka badan gaadiidka Itoobiya ayaa qaaday intaana waxa la inooga qaaday meeshii tirin lahayd ee odhan lahayd waxbaa nagama maqan ayaa maqnayd”.

 

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: