Wasiirka Gaadidka Oo Xisbiga Waddani Ku Eedeeyey Dib U Dhaca Doorashada, Kana Hadlay Shilalka Gaadiidka Ee Soo Badanaya

Hargaysa (W.Gaadiidka) Wasiirka Gaadiidka oo Xisbiga Wadani ku edeeyay dib u dhaca doorashada, halka uu sidoo kale sheegay in wakhtigan Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinku Gaabis yahay oo ay qayab ka yihiin qadarka alle ka sokow shilalka Gaadiidka ee kor u sii kacaya.

Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay inaanu xisbiga Waddani dhankiisa diyaar u ahayn in ay doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiiladu dalka ka qabsoomaan, isla markaana kalsoonidii shacabku hoos uga dhacday taas bedlkeedana uu ka dhigay in uu qabsoomida doorashada ka cagojiido.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa aan doonayaa inaan kuu sheego laba jeer oo horena waan ka hadlay xukuumadda waa ay ka go’an tahay inay doorasho qabato oo sanadadii 2018 iyo 2019 ba miisaaniyada waa loo galiyey doorashadu inay dhacdo madaxweynuhuna waa ka hadlay oo doorashadu waxa ay ku xidhnay oo dib u dhigay waxa aan aminsanahay inta badan inuu yahay Waddani oo waad ogaydoonoo maanta ilaa maalintii waxa uu lahaa doorasho guddidaasi qabanayso kama qayb galayno imikana waxaanu u aragnaa uun iska lugo dheeraysi uun oo waxa la odhan jiray hal diidani geed ay ku xoqoto ma weydo, waxaanan isleeyahay iyaga Ayaan doorasho diyaar u ahay waayo kalsooni shacab ayaanay qabin oo kalsoonidii shacabkuna hoosbay uga dhacday oo waxyaabo badan oo laga rajaynayeyna meeshii imika ma yaalo oo raggii mudakarka ahaa ee xisbiguna badankoodii waa ay isaga tageen oo maanta waxaad ogtahay Faadumo Siciid ayaa ugu dambaysay oo maadaama oo aanay kalsooni shacab qabin mar kasta waxa ay ku qasbanaanayaan siday u lug jiidi lahaayeen doorashadaasi, laakiin dawladda waa ka diyaar inay doorasho dhacdo sababta oo ah waajibaadka dawladda waa ka kowba oo waajib saaran madaxweynaha weeyaan inuu doorasho qabto wax kale oo dhan waa daneeyayaal, laakiin masuuliyadda koowaad waxa iska leh madaxweynaha, laakiin nin ay waajibaadkiiisi tahay in la yidhaahdo doorasho diyaar uma aha waxa aan is leeyahay waa arin aan meesha oolin dawladduna waa u diyaar inay doorasho dhacdo haddii ALLE ka dhigo”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay halka ay ka imanayaan kor u kaca shilalka gaadiidku, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaad moodaa shilalka gaadiidku inay sadexdan bilood ee u dambeeyey inay soo kordheen korodhkaasina waxa aanu u sababaynaynaa uun marka qadarka ALLE laga tago, waxa aanu anagu leenahay waa xaga ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo gaabis ku jira, sababta oo ah dhacdadan u dambaysay anagu waxa aanu soo saarnay bishii 11, 2018 kii in la xadido rakaabka gaadiidka, gaadhiga NOAH –da ah ee 27 qof siday, waxa u qaadi karayey marka horeba 7 qof ugu badnaan, sidoo kale waxaanu soo saarnay shan ilaa lix wareegto oo aanu jeclayn in hoos loogu dhigo shilalka gaadiidka, arinkaasi imika madaxweynahana waa gaadhay anaguna waxa aanu jecelahay haddii ALLE ka dhigo in wax laga qabto, sababta oo ah shilalka sababo badan ayaa keena oo rarka saayidka ah waa ka qayb, markaa runtii ciidankana waanu ka wada soconaa oo qorshaa jira imika in Kaantaroolada la bed bedelo oo aan qofku ku raagin si aanay dayac meesha ugu imanin”.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay inay wadaan xarumo cusub oo lagu hubinayo badqabka gaadiidka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xadidaada badqabka gaadiidka oo ay wasaaraddu imika gacanta ku hayso 37 gaadhi ee u horeeyeyna waanu ku xidhnay waliba waxa aanu aad uga hawl galaynaa gaadiidka qaadaya rakaabka, booyadaha iyo Jaadlayaasha oo ugu shil badan, sidoo kale badqabka gaadiidka oo aanu todobo xarumood oo lixda gobol laga samaynayo ayaanu wadnaa kuwaasi oo aanu eegi doono inay u qalmaan inay rakaabka qaadaan”.



Leave a Reply

%d bloggers like this: