Shirkii Bilaha Aha Ee Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Iyo Shaqaale Weynaha oo Manta Qabsoomay

Hargaysa( W. Gaadiidka)  shirka ay wada yeeshan biishiba hal mar halwadenada wasaaradda gadiidka  iyo horumarinta jidadka iyo masuliyiinteeda  ayaa manta ka qabsoomay xarunta  wasaaradda ,shirka  oo  ahaa mid bile ah waxa ka so qayab galay  wasiirka  wasaarradda gadiidka iyo horumaarinta jidadka Cabdilahi Abokor Cismaan,agaasimaha guud ee wasaaradda Cumar Cabdilahi Aadan ,agaasimayaasha   waaxaha wasaaradda  masuuliyin kale oo wasaaraddas ah, shaqaale weynaha,  shirkan ayaa u jeedadiisu  ahayad dardargalinta  hawlaha shaqada  iyo isu soo dhawaanshaha shaqalaha iyo masuuliyinta .

 

Kulankan ayaa qaar kamida shaqalahu ugu gudbiyen tabashadooda ay qabaan masuuliyiinta , halkaa qaar kalena u guudbiyen talo sojedniimo ,masuuliyinta wasaaraddaa oo u horeeyo wasiirka  ayaa ka garaabay sojeedamaha shaqalaha ,halaka qaar  ka midana  lagu abaal mariyey  goobtaas iyago shahadooyin lagu gudoonsiyay halkaa, abaalmarinta oo ay ku  mutaysten dadaal iyo hawlkarnimo dheeriya.

 

Kulankan ayaa ugu danbayntii waxa u kuso dhamaday is afgarad iyo hayaanka horuumarka  hawlaha Qaranka oo halkaa laga sii wado iyo in shaqada  la joogteeyo oo si halkaa hore loga sii wado,   si loo gaadho hiigsiga la doonayo in la gaadhsiiyo Qaraanka jamuuriyada Somaliland .



Leave a Reply

%d bloggers like this: