Somaliland: Xaflad Lagu Daah-furay Ololaha Wacyigelinta Badbaadada Waddada u Dhexaysa Hargeysa iyo Kala-baydh

Hargeysa (W.Gaadiidka)- Xaflad lagu daah-furay olole wacyigelin ah oo xambaarsan khataraha jilalka gaadiidka ee ka dhaca waddada u dhexaysay Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Kala-baydh ee Gobolka Gabilay, ayaa lagu qabtay Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa inay ka taxaddaraan khataraha sababa shilalka gaadiidka, isla markaana lagu baraarujinayay inay ilaaliyaan waddooyinka la dayactiray ee ay ka mid tahay waddada isku xidha Hargaysa iyo magaalada Kala-baydh oo dayactir ballaadhan lagu sameeyay, laguna xidhay calaamado tilmaamaya goobaha khatarta ah.

Kulankan daah-furka ah oo ay soo agaasintay Hay’adda waddaniga ah ee Y-PEER oo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee GIZ, lagana leeyahay dalka Jarmalka oo ah Hay’adda hirgelisay dayactirka waddada Hargeysa iyo Kala-baydh isku xidha, waxa sidoo kale kaalin ku lahaa Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo ay wehelinayso Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, iyadoo ay xafladaas ka qaybgaleen Masuuliyiin ka socday Dowladda Somaliland, xubno madax-dhaqameed ah iyo dad badan oo ka kala socday qaybaha bulshada oo dhan.

Agaasimaha Hay’adda Y-PEER Mr. Maxamed Mahad Dhamac oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey barnaamijkan la xidhiidha wacyigelinta shilalka gaadiidka iyo daryeelka jidadka dayactirka lagu sameeyey, waxaannu yidhi; “Mashruucani waxa uu qaban doonaa barnaamijyo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dadweynaha iyo madaxda iyo cid walba oo ka shaqeynaysa arrimaha bulshada in la iskugu yeedho, sida maantaba aynu u fadhinno, badbaadada aannu ka hadlaynaana maaha dadka oo kaliya ee waa dad iyo duunyoba. Haddaba barnaamijkan waxaa uu iskugu jiri doonaa riwaayado iyo wacyigalino ka hadlaya khatyaraha iyo hababka ugu habboon ee looga badbaadi karo, si aynu u helno waddoooyin iyo darawalo xirfadoodu sareyso oo ku dhaqma shuruucda loo dhigo, sidoo kale waxaa barnaamijka ka mid ah xidhashada suunka marka uu qofku gaadhiga wado haddii ay safar dheer tahay iyo haddii ay magaalada gudaheeda tahayba, taasi oo qeyb weyn ka ah badbaadada waddo-marista.”

 

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xubin ka hadlaysa afka cuqaasha, waxaannu yidhi; “Anagu ka dhaqan ahaan waanu soo dhaweynaynaa cid kasta oo ka shaqeynaysa arrimaha badbaadada iyo nabadgelyada bulshada, gaadiidka iyo dhibaatooyinkooduna waa arrimaha ugu badan ee aannu ka shaqeyno marka aannu ku jirno hawlahayaga, aad ayaanu idiinku mahadnaqaynaa, halkaa ka sii wada hay’addana waxaan leeyahay idinkuna wacyigalinta iyo arrimaha ka shaqeynta bulshada waad ku mahadsantihiine halkaa ka sii wada.”

Madaxa Mashariicda Waddooyinka ee Hay’adda GIZ Mr. Christoph Schmidt oo goobta ka hadlay aya isna tilmaamay muhiimadda ay kulamada noocan oo kale ah u leeyahiin bulshada, isaga oo sidoo kale u mahadnaqay dhammaan cid kasta oo ka qeybqaadatay barnaamijkan wacyigalineed ee ku saabsanaa sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo duunyada waddooyinka isticmaalaya, waxaannu sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan barnaamijyo badan oo la xidhiidha arrimaha khuseeya badbaadada iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa, waxaannu u mahadnaqay madax-dhaqmeedkii kulankaasi ka soo qeybgalay oo uu ku tilmaamay inay bulshada ka yihiin laf-dhabarta isku xidha.

 

Mr. Axmed Yuusuf Maxamed oo ah Maareyaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda kulankan ay qabteen u leeyahay bulshada, isagoo ka xog-waramay dhibaatooyinka ay geystaan shilalka gaadiidku.

“Waxaan dhammaan bulshada kula talinayaa aynu nafaheena, gadiidkeena iyo waddooyinkeena aynu ilaashanno, dhibaatooyinka ay sababaan shilalka waxaa ka mid ah qoys dhan oo dhammaystiran inuu meel ku wada geeriyoodo oo aannu hal qof ka hadhin, sidoo kalena in la wada dalxiiso oo meelahaas quruxda badan la wada aado waa wax qurux badan, in la wada dhintaana waa dhibteeda, markaa aynu taxadarno uun waxbaynu iska hag-hagaajisan badbaadaynu Ilaahayna ka filaynaa, markaa aad ayaan ugu mahadnaqaynaa cid wal oo nagala shaqeysay oo ay ka mid yihiin Hay’adda GIZ iyo Hay’adda maxaliga ah ee Y-PEER oo aan leeyahay halkaa ka wada oo ha ka daalina in aad ummadda wax u qabataan,” ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland.

Mr. Cadbiwaaxid Cabdiqaadir oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada Somaliland oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay kulan wacyigalineedkan bulshada loogu baraarujinaayo sidii ay waddooyinkooda u dhawran lahaayeen, iyaga oo ka taxadaraya dhibaatooyinka ay shilalku keenaan, waxaanu yidhi; “Gaadiidku marka uu burburo dhaqaalaha ayuu saameynayaa, nafahii bani’aadamka ayaa ku go’aya oo ku dhaawacmaya, markaa inta ay arrintaasi taagantahay waa dhibaato wayn oo u baahan mar walba in aynu ka wadahadalno, waxna iska waydiino, sannadahan dambe intuu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka qabtay, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horunmarinta Jidadka iyo waaxaheeduna ay gaarka noqdeen runtii aad ayaa looga hadlaa, waxna la iskaga waydiiyaa macnaha masuuliyaddaas Wasaaradda gaarka looga dhigay waxay keentay inay masuuliyad gaara iska saarto arrimaha ay u abuurantahay.”

 

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Md. Khadar Baaruud oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in khataraha ka dhasha waddista gaadiidka iyo shilalku ay caqabad ku hayaan bulshada dan-yarta ah oo inta badan bixisa waxyeelada soo gaadha cidda gawaadhidaasi wax ku noqota dad iyo duunyaba.

“Arrintan khataraha waddooyinku bulshadeenana runtii dhibaato weyn ayay ku haysaa oo dad aan awoodeen ayaa qaadhaan laga qaadayaa, maalin kasta culaysbayna bulshada laftigeeda ku tahay maadaama oo ay bulshadeenu u badantahay danyar, markaa gaadiidka taxaddirkiisa in laga shaqeeya runtii aad iyo aad ayay muhiim u tahay,” ayuu yidhi Md. Khadar Baaruud.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maaxmed Siciid Khaawi oo ka warbixiyay qaabka ay badbaadada dhallinyarada ee arrimaha waddooyinka ay uga shaqeeyaan ka Wasaarad ahaan iyo waxyaabaha loo baahanyahay in laga hortago, waxaannu yidhi; “Ubaxa soo koraya ee dhallinyarada in aynu badbaadinaa waa sababta aannu masuuliyadda dhallinyarada u qaadney ee ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaarahuna u taagantahay in caqli ahaan iyo cuddud ahaan la dhiso, dhibaatooyinkasta oo ku iman karana laga hortago, dadkuna intiisa badan way ka moogan yihiin shilalka sida dhibta yar u galaafan kara dadka, runti anigu inta badan marka ay dadku safar galayaan waxaan kula taliyaa bal in aanay is raacin qoysku si aanay dhibaato u soo gaadhi oo qoysasy dhami halkaa ugu burburin, dhallinyarada runtii waanu ku ilaalinaa sidii ay marka ay goballada ku soo ciyaarayaan iyo marka ay dalxiisyo u baxayaanba u soo mari lahaayeen oo iyaga oo warqad ka sita Wasaaradda mooyaane aanay bixi karin, si aannu uga eegno tayada xaataa gaadiidka ay raacayaan oo sababa dhibaatooyinka, waayo gaadhi bas ah oo muddo aan magaalada ka bixin oo aan Kala-baydh gaadhin ayaa ay iska soo kiraysanayaan, iyada oo aan la soo marin baadhis badan oo lagu eegayo bad-qabkiisa.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horunmarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo xafladaasi soo xidhay, ayaa kula dardaarmay dadka dirawaliinta ah inay taxadar badan sameeyaan marka ay gaadiidka wadaan, maadaama oo gawaadhida oo kaliya aanay isticmaalin waddooyinka.

“Waxaa jirta xiliyo adiga oo waddada maraya ay xoolo badan soo galayaan oo laga yaabo haddii aad jiidho in khatar fara badan kaa soo gaadho, markaa waxaan darawaliinta kula talinaynaa inay aad iyo aad u taxadaraan oo marka ay baabuurta wadaan dadka iyo xoolahaba u tudhaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Musaabibadda la xidhiidhay wacyigelinta shilalka gaadiidka ee lagu qabtay Hargeysa shalay, waxa kaloo wehelinayey riwaayado iyo heeso xambaarsan fariimo ku saabsan dhibaatooyinka shilalka, sidii bulshada loo badbaadin lahaa, isla markaana lagu muujiyey in waddooyinka ay wada isticmaalayaan gaadiidka, dadka iyo xooluhuba, loona baahan yahay in dirawaliinta gaadiidku taxaddir badan sameeyaan.

 

 

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: