Mareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Oo Soo Xidhay Tababar Lagaga Hadlayay Samaynta Sahaminta Waddooyinka

Hargaysa (W.Gaadiidka) Mareeyaha    Wakaladda   Wadooyinka  Somaliland Axmed  Yusuf  Maxamed ayaa maanta/shalay   tababar  lagaga hadlayay    habka  Nashqadaynta  Wadooyinka  dalka   usoo xidhay   Shaqaale ka  tirsan   Wakaaladda  Wadooyinka.

 

Tababarkan oo ay fulinaysay Hay’adda Care International oo    muddo toban cisho ah u socday  Shaqaalaha  Wakaaladda   Wadooyinka Magaalada  Hargaysa     ayaa waxa lagu baranayay hanaanka   sida loo qaado samaynta   sarfaynka Wadooyinka.

 

Maareeyaha Wakaaladda     Wadooyinka  Somaliland   Axmed Yusuf Maxamed  oo xidhitaankii tababarakan hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay  in   ahmiyada uu tababarkani   uu lahaa ay tahay  sidii  wax looga   badali lahaa     habkii ay u shaqayn jirtay  Wakaaladda  Wadooyinka.waxaana uu yidhi“Waxa aan ku faraxsanahay in uu noo soo  xidhmo  tababarkani  kaas oo aad ka    faaiidaysateen mudadii uu socday  waxaana    korna  ugu qaadno dhismayaasha iyo wadooyinka  dalka oo aynu ka fikirno,waxaana aan filayaa  in  wixii laga bartay mudadii uu socday  tababarkani laga faa,iidaystay  oo siday tahay loo hirgalin doono ayna noqon doonto mid ka cusub kii aynu hore ugu shaqayn jirnay,”.

 

Aniisa  Ismaaciil  Kaahin oo ka socotay  Hay,ada Care International oo halkaasi ka hadashay    ayaa waxa sheegtay in tababarkan  lagu baranayay mudadii uu socday     habka loo qaadayo sarfaynka   wadooyinka la dhisayo.waxaana ay tidhi“Tababarkan   oo ay   fulinaysay    Hay,adda  Care International  waxa uu ku sahabsanaa   kulankani oo lagu tababarayay     sida loo maamulo  marka   Wadooyinka la dhisayo iyo habka loo qaadayo sarfaynka marka ay wadooyinku cusub yihiin,waxaana aad ugu faraxsanahay hablaha kulankan ka soo qayb galay  waxaana  mashruuca  soo saarayaa oo lagu tababarayaa  24    hablood,”.

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay  Agaasimaha  Waaxda   Dayactirka Wadooyinka ee  Wakaaladda  Wadooyinka   Axmed  Maxamuud  Cabdi ayaa waxa uu sheegay in tabarkan lagu baranayay mudadii uu socday hab maamulka samaynta Wadooyinka.



Leave a Reply

%d bloggers like this: