Wasaaradda Gaadiidka Oo Keentay Qalabka Lagu Baadho Ciladaha Gaadiidka

Hargaysa (W. Gaadiidka) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka  Somaliland ayaa soo bandhigtay  qalabka baadhitaanka ciladaha gaadiidk lagu ogaan karo, waxaana qalabkaasi sida uu u shaqaynaayo ka warbixiyeey Agaasimaha Waaxda Gaaadiidka Muse Yuusuf Ibraahim oo yidhi: “ maanta waxa aynu u fadhinaa daah-furka mishiinkan baadhitaanku oo runtii inoo sahlaaya in aynu ogaano ciladaha gaadiidka dawladda, oo runtii markii hore loo tagijiray geerashyo gaar ah”.

Agaasimaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Jamarti Axmed Xasan, ayaa sheegay in ay gaadhi kasta  oo cusub soo marin doonaan Wasaaradda Gaadiidka maadama oo ay yeelatay qalabkii lagu hubinaayey gaadiidka iyo bidqabkiisa, waxaana hadlkiisa ka mid ahaa “ waa markii ugu horaysay ee Wasaaradda Gaadiidku qalabkan ay keento, ka guddi ahaan gaadiid kasta oo Qaranka aanu u iibinayno waxaanu u diri jirnay geerashyo qalabkan haysta oo gaar loo leeyahay, laakiin iminka waxaanu soo marindoonaa gaadhi kasta oo cusub Wasaaradda gaadiidka”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cumar C/laahi Aadan ayaa isna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin qalabkan cusub ee baadhitaanada ciladaha gaadiidka lagu hubiyo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “ ciladii gaadhiga been kamasheegayo ee sideeda ayuu u sheegayaa, markaa in aynu ka faaiidaysano cilmiyan, alle waa nagu guuleeyay”.



Leave a Reply

%d bloggers like this: