Wasaaradda Gaadiidka Oo Munaasibad U Qabtay Kooxdii Ku Ciyaaraysay Magaca Wasaaraddaaasi Ee Koobka Ciyaarata Kubada Kolayga (Basket Ball) Qaaday Bishii Ramadaan

Hargaysa (W Gaadiidka ) Munaasibad lagu maamuusayey islamarkaana koob lagu guddoonsiinayey kooxda Kubada Kolayga oo ku ciyaarta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa lagu qabtay Hudheelka Hido-dhawr ee Magaalada Hargaysa, kulankan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Gaadiidku, ayaa waxaa ka soo qayab galay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Agaasimihii hore Wasaaaraddaasi, iyo Guddoomiyaha Wargayska Dawan, Wariye Cabdisalaan Hereri iyo Dhalinyarta kooxdaasi.

Munaasibadan waxaa faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo yidhi:- “Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland aniga oo afkeeda ku hadlaya waxa aan halkan ka cadaynaa uguna bushaaraynaa kooxdan in maanta laga bilaabo ay magaca wasaaradda ku ciyaari doonaan, sidoo kalena in koox kubada cagta ah oo ku ciyaari doona magaca wasaaradda oo magaalada Burco ee gobolka Togdheer ah iyadana aanu la wareegnay ujeedada aanu ka leenahayna waa dhiirigalinta dhalinayarada oo ah lafdhabarta bulshada, sidaad ogtihiina ciyaaruhu waxa ay qayb weyn ka qaataan ka hortaga mukhaadaraadka iyo dhibaatooyinka dhalinyaradu samayso wuxuu caawiyaa jidh dhiska, caqli dhiska iyo garaadka dhalinyarada markaa anaga oo dhalinyarada Somaliland fursadaa uga faaiidaynayna ayaanu sidan u aaminay, waxaan halkan ka cadaynayaa in dhamaan kooxdan iyo tababaraheeda ee magaca wasaaradda ku ciyaarayey ee guushan soo hooyay waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waanu idin garab taaganahay hiil iyo hooba”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo  Ciyaaraha Maxamed c/laahi siciid oo munaasibadan ka hadlay ayaa yidhi:-“Ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa aadna waanu u bogaadinaynaa naadigaasi ku guulaystay koobkii kubada kolayga ee bisha barakaysan ee Ramadaan, aadbaanu ula shaqaynay imikana diyaar ayaanu u nahay inaanu la shaqayno, mar walba ka wasaarad ahaan waanu dhiirigalinaa ama dar dar galinaa dhalinyarada, waana bulshada ugu badan ee dalkeena baaxada ay leegyihiin iyo miisaaniyada ugu jirtaa wasaaradduna isma leeka caqabado badan ayaana runtii soo foodsaara oo baahiyaha ay tabanayaan iyo garoomada iyo waxa ay wasaaraddu gacanta ku hayso ayaan inta badan is leekayn”.

 

Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa isna da’yarta ku dardaarmay in ay garoomada waaweyn ku ciyaaraan oo ay iska daayaan garoomadan rooga leh ee dadka waweyn loogu talo galay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “Waan ku guubaabinayaa kooxda Basket Ball ka ee ku guulaystay koobkii bisha Ramadaan ee caasimada Hargeysa ka qabsoomay ee ku ciyaaraysay magaca Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waana in garoomada la horumariyo in badan waan ku dedaalnay markii aan joogay wasaaradda ciyaaraha oo maant waxa la inala hadhay garoomadan yar yar ee Rooga oo loogu talo galay dadka waaweyn ku dhididaan kuwii ayey caruurtu ku ciyaaraysaa mana ah inay caruurtu ku ciyaarto dadka ord kara ee ciyaari karaa waa inay garoonka weyn beegsadaan”.

Wariye Cabdisalaan Herari oo ah ruugcadaaga ciyartoyda cuslaatay ayaa isna yidhi:-“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb galo madashan qiimaha leh, ciyaaruhu faa’iidada ay leeyihiin isaga warami mayno wax kastana dunida dedaalka la galiyo uunbaana ka soo baxa oo marka imika la dacaayadaynayo halka ka fikirka inay wax cusub  ku soo kordhaan ciyaaraha waxay yidhaahdeen waadhka dumarka ayaa inta la hor istaago cagaha ilmaha la eegaa oo ay yidhaahdaan walaahi Ciyaaryahan wanaagsan ayuu noqonayaa waxa dedaalkaasi loo samaynayaana waxa weeyaan in wax mustaqbal wanaagsan lihi ka soo baxaan”.



Leave a Reply

%d bloggers like this: