Wasaaradda Gaadiidka Ayaa Tababar U Furtay Agaasimeyasha Waaxaha Maamulka iyo Madaxyada Gaadiidka Ee Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Dawladda Si Ay Online Ugu Soo Gudbiiyaan Xogta Gaadiidka

Hargaysa (W.Gaadiidka) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cumar C/laahi Aadan ayaa Tababarka nidaamka soo gelinta xogta gaadiidka dawladda’taas oo hore wasaaradda gaadiidku ugu qaybisay User’s iyo password Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Madaxbanaan e Dalka si ay  xogtooda maalinlaha ugu  soo diraan.

Agaasimaha guud ayaa xusay in tababarkani yahay kii labaad mudo laba bilood gudaheeda’isagoo hoosta ka xariiqay in ka wasaarad gaadiid ahaan ka go’an tahay in maalinkasta la hello xogta gaadiidka dawladda si loo ilaaliyo badqabkooda iyo sugnaanta tiradooda iyo tayadooda.

Dhanka kale waxaa isna halkaa ka Hadley agaasimaha waaxda gaadiidka Beriga iyo  Farsamadda Muuse Yuusuf ibraahim isaga oo bogadiyey wasaaradaha iyo hayadaha xogta gaadiidkooda sida maalinlaha ah u soo geliyey

Sidoo kale wuxuu sheegay in tababarkan qaybtiisii hore wasaaradu hore ugu bixisay xarumaha wasaaradaha iyo hayadaha dawliga ah ka hawlgalaan’

Waxaanu xusay in sanadkan gudihiisa ay tahay markii lixaad ee wasaaradda gaadiidku shir iyo tababar iskugugu yeedho masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa banan si loo fuliyo siyaasadda gaadiidka dawladda.

Ugu danbeyntii wuxuu ku adkeyay agaasimayaasha maamulka iyo madaxyadda gaadiidka wasaaradaha in maalin walba xogta gaadiidkooda u soo diraan masuuliyadna iska saran.



Leave a Reply

%d bloggers like this: