Wasiirka Gaadiidka Oo Ay Weheliyaan Wafti Uu Ka Mid Yahay Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu Ayaa Kormeeray Dhismaha Wadada Baligubadle

Hargaysa (W Gaadiidka) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somalilaand oo ay weheliyaan wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland, xildhibaano, siyaasiyiin iyo xubno kala duwan ayaa kormeeray halka ay marayso dhismaha wadada Baligubadle, waxaana markii ay gaadheen deegaanka Gumburaha halkaasi lagu qabtay munaasibad ku sabsan dhismaha wadadaasi.

Xubnaha halkaasi ka hadlayna waxa ka mid ahaa guddida gacanta ku haysa wadadaasi, waxaanay yidhaahdeen “Wadadani waa waddo isku xidha laba gobol oo dalkeena waa waddo isku xidha magaalo madaxdii dalka iyo magaalo madaxdii wadanka laga soo xoreeyey, markaa waxaan leeyahay waa inaad u kacdaan oo aynu qaybteena ka qayb qaadano, gaar ahaan deegaanka ay wadadaasi marayso oo ah deegaanka aynu maanta ku suganahay ee degmada Gumburuhu ka tirsan tahay inay ka qayb qaataan, dawladdu mar walba heegan ayey inoo tahay waad arkaysaanoo hawsha ugu balaadhan maanta dawladda ayaa qabatay inaguna gacanteena waa aynu ka gaysanay”.

Siyaasi Jamaal Caydiid oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaan uga mahadnaqayaa wasiirka gaadiidka iyo horumarinta wadooyinka oo ka badheedhay intii xukuumaddu jirtay gacantiisa oo waxtarkiisu wax weyn ka qaatay Caro kaawadaasi inay halkaasi soo gaadho”

Aaamina Cabdilaahi oo ka mid ah dadka taburacaadka ka qayb qaatay ayaa waxa ay tidhi “Shaqadaadii oo aad si wanaagsan u gudatay ayaanu wasiir kaaga mahadnqaynaa aniguna waan kugu amaanayaa aadbaad u mahadsan tahay”

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ma lix kun oo inan oo min 10 Dollar bixiya ayaa la inaga waayayaa ka badan ayeynu nahay, se ilaa hadda ilkaha ayeynu ku eegnaaye indhaha ayeynaan ku eegayn, aniga waxa ay ila tahay guddiyeey sidani si maaha, qoladiinan deegaankawna sidan waxba ku socon maayaan waar aan jeebka gacanta galino”.

Guddoomiyaha Degmada Gumburaha Xasan Daahir Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wasiir wax badan ayaad nala qabatay wax badanina waa ay noo hadhsan yihiin oo wadadu maa ay gaadhin Baligubadle oo ah caasimadii gobolka waa ay ka dhiman tahay, waxaananu jecelahay in gacantaa aad na siisay gacan ka weyn aad noo celiso”.

Wasiirka hore ee wasaaradda Qorsheynta wakhtigii Siilaanyo Maxamed Aadan Qabo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Guddida wadada oo tacab badan galiyey oo ilaa maalintii ilaa maanta aan ka hadhin wadadaasi oo aan jecelahay wasiir marka aynu wadadaasi dhamayno inaan shahaadooyin aad u qaaliya siino”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wasiir waxaan ku rajo weynahay inaanu wadadan dhawaan faraha ka qaadno oo dhameyno”.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad hambalyo ugu dirayaa deegaanka Baligubadle, gaar ahaan Gumburaha sidii ay hawshaasi uga qayb galeen, guddida wadaduna aadbay ugu mahadsan yihiin, hadh iyo habeena waa ay shaqeeyaan iyaga ayaana ku dedaala sidii ay wadadani wado u noqon lahayd oo noqnoaysa silsilada isku xidhaysa bulshada, waxaan leeyahay baraarujinuun niman yahaw waad aragtaan sidaad u shaqaysateen iyo sidaad u dedaasheen dedaalkiinaasaa keenay in la is kiin garab taago guud ahaana gobolka Hawd iyo deegaanadiisa gaadhsiiya fariintaasi, farintaasi oo ah in loo wada gurmado”.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Horumar ka horeeya wadooyinku ma jiro, Somaliland waxa ay leedahay wax la yidhaahdo isku xidhka wadooyinka (Road Network), tirada guud ee aan rajaynayno inaanu dhisnaa waa 9038KM (Sagaal kun iyo Sodon KM) oo Wadooyin ah, waxaana inoo dhisan ilaa 1000KM (Kun Killomitir) oo wadooyin ah, markaa waxa weeyaan waxa ina horyaala hawl aad u baaxad weyn, laakiin waxa nasiib wanaag ah barnaamijka xisbiga iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad, qorshahaasi waxa ka mid ah in wadadan inta xukuumaddu shantan sano joogto la dhamaystiro



Leave a Reply

%d bloggers like this: