Dadweynaha Waxaanu Ka Codsanaynaa In Qof Walba, U Soo Diyaar Garoobo Siduu U Qaadan Lahaa Liisanka Darawalnimada Isaga Oo Maraya Sifaha Sharciga Ah, Ee Looga Baahan Yahay.

Kuwani waa shaqaalaha wasaarada ee loo carbiyay qaadista imtixaanka liisamada gaadiidka kala duwan, ee gobolada dalka, oo bishii ramadaan iyaga oo sooman boqolaal qof ugu shaqeeyay gobolada dalka oo aan marna daalin, aad iyo aad ayaanu wasaarad ahaan ugu mahad celinaynaa

Waa dhalin yaro hablo iyo wiilal ba leh, oo qarankooda si hufan ugu shaqeeyay, hadh iyo habeen u taagan sidii ay hubin lahaayeen in habka qaadashada liisamadu uu noqdo mid sifo sharci ah ku dhamaystirma.

Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa in qof walba, u soo diyaar garoobo siduu u qaadan lahaa liisanka darawalnimada isaga oo maraya sifaha sharciga ah, ee looga baahan yahay.

Dadweynuhu sharciga ha ixtiraamaan oo ha ilaaliyaan, qof walba wuxuu doonayaa in isaga kiisa bilaa sharci lagu siiyo, markuu kaa tagana wuxuu odhanaya wadanka waa in sharci lagu dhaqaa, wadan aanad sharcigiisa naftaada ka bilaabin sharcigiisu siduu noqonayaa ?

Qofkii macluumaad uga baahan habka qaadashada liisamada ama macluumaad kale oo ku saabsan wada marista, fadlan la hadal xarunta imtixaanaadka liisamada waxaanad ka garaaci kartaa telefoonadan hoos ku qoran, 2037 Telesom, ama 398 Somtel.

Hadaad doonayso inaad hubiso in liisankaagu aanu foojari ahayn, ama ka diiwaan gashan yahay wasaarada, fadlan booqo website ka wasaarada , www.somalilandtransport.com

adiga oo ka baadhaya labada liis ee liisamada wadista gaadiidka waa weyn, iyo kuwa yar yar, hadba kii aad sidato



Leave a Reply

%d bloggers like this: