Wasaaradda Gaadiika Iyo Ciidanka Nabadgalayada Wadooyinka JSL Oo Dardargaliyey Hubinta Liisanka Wadida Baabuurta.

Hargaysa (W.Gaadiidka) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo kaashanaysa ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ayaa go’aamo adag ka soo saaray badqabka gaadiidka iyo horumarinta shuruucda wado marista ka dib markii ay soo bateen shilalka gaadiidka ee dhimashada iyo dhaawaca u gaysta bulshadu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cumar Sayid C/laahi oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan ciidanka nabadgalyada wadooyinka ayaa waxa ay hawlgalka ilaalinta badbaadada gaadiidka ka fuliyeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ay wadooyinka ku baadhayeen kuna hubinayeen liisamada darewalada wata gaadiidka ee magaalada dhex soconaya.

Ololahan ayaa ah olole loogu talo galay in lagu hubiyo liisamada darawalada iyo sharciyada gaadiidka saxsananaantooda.

Cabdilaahi Samadoon oo ka mid ah Agaasime Waaxedka  Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey hawlgalka ay wasaaradda iyo ciidamada nabadgalyada wadooyinku iska kaashanayaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxa aynu ku gudo jirnaa todobaadka badbaadada wadooyinka oo inoo bilaabmay doraad, todobaadkan oo looga dan leeyahay in dadka lagu wacyigaliyo, isla markaana lagu hubiyo liismada iyo buugaagta, si loo yareeyo khatarada ay shilalku sababaan, sidoo kale anaga oo todobaadkan ku gudo jirna waxa soo baxday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu amray in la hubiyo sharciyada darawalada gaadiidka wada hawshii ayaananu sii libin laabnay”.

Masuul ka tirsan ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Si wanaagsan oo caaqiibo leh ayey noogu socotaa wixii sharci darro ah ee aanu qabanayna waxa aanu gaynay qaybta oo hay’addaha sharciga u leh ayaanu gaynaynaa, ilaa 50 gaadhi ayaanu maanta qabanay shalayna ilaa 60 ayaanu qabanay wixii sharci darro ah ee sharciga khilaafa waanu qabanaynaa dadkana waxaanu ku baraarujinaynaa inay sharciga soo qaataan wasaaraddana soo maraan haddii wax ka dhiman yihiin”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid) oo isna ka warbixiyey todobaadka badbaada gaadiidka ee ay ololaheeda wasaaraddu wado ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda gaadiidka ilaa maalintii la aas aasay ilaa maanta waxa ay isku dayeysay inay xal waara ka gaadho arrimaha shilalka ee inagu soo noq noqday waxaananu iska kaashanaynaa ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo gacan naga siinaya sidii dadka bilaa liisanka ugu wata gaadiidka talaabo looga qaadi lahaa, waxaananu ciidanka iska kaashan doonaa dhammaan dadka aan liisanka haysan in la qabto sharcigu sida uu dhigayana lagu qaado, sidoo kale waxaanu inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera dhigi doonaa ciidamo ka hawl gali doona inay hubiyaan xawaaraha gaadiidku ku socdaan waxa la hubin doonaa Booyadaha caruurtu wado, iska ragooyinka sida xun u socda, waxa aanu doonaynaa shacabka Somaliland arintaasi inay nagu gacan siiyaan, dadka sida wanaagsan u socda ee liisamadana haystana in arintaasi iyagana lagu garab galo oo lagu hambalyeeyo ayaan shacabka Somaliland ka codsanaynaa”.

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: