Wasaaradda Gaadiidka Oo Daah Furtay 7aadka Badbaadada Gaadiidka Oo Ku Began 6-12 May 2019, Waxaana Olole Lagu Baadhayo Hubinta Liisanka, Laga Samayndoona Gobolada Iyo Caasimada Dalka JSL

Hargaysa (W.Gaadiidka) Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Maroodijeex, Taliyaha ciidanka nabadgalyada wadooyinka iyo Agaasimeyaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa ka qayb galay xuska todobaadka badbaadada wadooyinka ee qaramada midoobay oo labadii sanaba mar laga xuso dunida oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda liisamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Ayaan Cabdicasiis oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay ka warantay ahmiyada uu leeyahay xuskani, agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi “Lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga qaataa liisan, waxaana laga qaadaa liisan oo uu qofkii uu ka qaadayo computerku, tushaasi uunbuu ka ilaalinayaa qofka kormeerka ahi, qofku marka uu kaasi ka soo gudbo waxa laga qaadayaa wadidii oo ay ka qaadayaan xubno ay wasaaraddu u tababartay inay  imtixaanka qaadaan oo 20 qof ah oo ka kala shaqeeya lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sarkaal ka mid ah ciidanka nabadgelyada wadooyinka”.

La taliyaha wasiirka Mudane Fu’aad oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada looga jeedaa waxa weeyi in bulshada ay wiiqeen shilalka gaadiidku lagu wacyigaliyo, inagana maxaad u malaynaysaa markaa, aafo ka weyn shilalka oo bur bur nafeed iyo dhaqaale oo Somaliland taalaa ma jirto”

Taliyaha ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay shilalka gaadiidka iyo sida ay kor ugu kaceen “Shilalkii waa ay bateen waxa ugu wacana waa darawal xumada waa liisan la’aanta waana xawaaraha oo ay aad u socdaan anaga oo ka duulayna shuruucda aanu ka shaqayno waxa aanu balan qaadaynaa in aanu qof dambe oo reer Somaliland ah wadada liisan la’aan wadan doonin”.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Iimaan Fooxle  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa la eegayaa gaadhiga shaqayntiisa ma lagu aaminayaa safarka, liisamada sharci darrada ah iyo kuwa aan haysan mid walba waxa la hor gaynayaa maxkamada”

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ka hadlay xuska badbaadad wadooyinka ayaa waxa uu yidhi “Sanadadii 2017 iyo 2018 qiyaas dhan 4% ayuu kordhay shilalka gaadiidku dadkuna ma aqoonsana khatarta ay leedahay shilalka gaadiidku labadii cishaba maalin qof ayeynu u oynaa oo inagaga dhinta shilalkaa gaadiidka sadex sababood baana kow ka ah Darawal xumada, wado xumada iyo gaadiid xumada sadexdaasi ayaa sabab u ah, sadexdaasina Insha Allah waxaanu jecelahay inay sida ay u kala horeeyaan wax looga qabto, waxa aynu samaynayaa todobaadkan olole guud oo lagu hubinayo ruqsada wadista gaadiidka qofkii lagu qabto isaga oo gaadhi wada oo aan ruqsad haysanin sida uu qabo xeerka wado maristu xeerka ciqaabta ayuu mutaysan doonaa waxa la hubin doonaa darawalada gadiidka  dalka gudihiisa ama dabadiisa ha inooga yimaadaan anaga oo kaashanaynaa ciidanka nabadgelyada wadooyinka waxaanu jecelahay hawshaa in wax laga qabto todobaadkaana la adkeeyo.



Leave a Reply

%d bloggers like this: