BALAADHINTA JIDKA BERBERA IYO ETHOPIA OO BILAAMAY IYO WASIIRKA GADIIDKA OO KOREERAY

Hargaysa (W. Gaadiidka) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa kormeer ku tagay dhismaha biriishka Dacarbudhuq, waxaana ujeedada kormeerku ahaa sidii uu ugu kuur gali lahaa sida ay u socoto hawsho wado balaadhinta marinka Berbera (Berbera Corridor), waxaana uu wasiirku halkaasi kula kulmay Injineerada gacanta ku haya iyo gaadiidka kala duwan ee ku hawlan balaadhinta iyo banaynta marinka.

Wasiirku mudadii uu ku gudo jiray kormeerkiisa waxa warbixin ka siiyey Injineerada gacanta ku haya wadadaasi.

Eng: Ali Kaahin Yuusuf o ka mid  ah Surveyariska Hay’adda Waddooyinka ayaa waxa uu ka warbixiyey sida ay hawshu u socoto, waxaana uu yidhi “In badan waa ay baneeyeen shirkadaha qaatay mashruucu, waxa aanay noo sheegeen inay soo gabo gabayn doonaan, wixii intaa ka  dambeeyana uu bilaabmi doono dhismihii biriishku”.

Eng  C/kariim Omer oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi  “Waxa la wadaa waa banaynta wadadii kale ee la marayey hadhawna waxa lagu socdaa in wadada gabigeeda la qaado oo tu cusub la  dhigo”

Guddoomiyaha degmada Laasgeel Mustafe Cismaan Jabiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey dhibaatada dadka ka haysatay dooxa ay wadadu dhex marto, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhibtii dadka haysatay dooxan iyo dooxyada kale ee Somaliland ba ee in badan la lahaa dhagax uunbaa la dhigayaa oo dhagaxaasi waxba qaban maayo, waxa aynu Somaliland ugu bushaaraynaynaa Biriishkii in la samaynayo oo waxa hadda la samaynayaa waxa weeyi wadadii rafka ahayd ee ay baabuurtu maraysay, marka ay wadadan baabuurtu ka soo baydhaan waxa inoogu xiga in biriishka la dhiso, waxa aanu Somaliland ugu bushaaraynaynaa wixii laga hadlayey xaqiiqadeedii inaad indhihiina ku arki doontaan haddii aynu sii noolaano, waxa aanan uga mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Bixii Cabdi iyo Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka dedaalka dheeraadka ah ee ay hawshan ugu jiraan”.

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: