Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Shaqaaleweynaha Xarunta Wasaaradda oo Shirkoodii Bilaha ahaa Maanta Yeeshay.

Hargaysa (W.Gaadiidka ) Shirweynihii Shaqaalaha  Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Masuuliyiinta Wasaaradaaasi ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda, shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka C/laahi Abokor Cismaan, Agaasimaha Guud Cumar C/laahi Aadan iyo Agaasimayaasha waaxaha, iyo  Shaqaaleweynaha, aya waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargalin lahaa shaqada Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cismaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar C/laahi Aadan ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqada iyo adeega ay siinayaan dadweynaha, sidoo kale Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Maxamed Axmed Sugaal ayaa shaqaalaha halkaasi ugu gudbiyey Wakhtiga Bisha barakaysan ee Ramadaanta shaqada la galaayo ee ay u soo gudbisay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu oo ah in 7:00 subaxnimo shaqada la galo 12:00 duhurnimona laga  baxo.

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: