Guddida Qandaarsyada Qaranka Ayaa Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Qandaraaska Hubinta Badqabka Gaadiidka Oo Ay U Tartameen 28 Shirkadood.

Hargaysa ( ) Madashan ay ku shaacinayeen guddidu ayaa waxa ka qayb galay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, xubnaha guddida qandaraasyada qaranka iyo shirkadaha ku tartamay keenista qalabka hubinta badqabka gaadiidka dadweynaha.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirakadaha ku guuleystay mashruuca hubinta badqabka gaadiidka dadweynaha.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan mahad gaar ah u celiyo guddida qandaraasyada qaranka oo runtii si xilkasnimo leh hawashan u fushaday wixii ka dambeeya maanta cida guuleysatay waxa ay si toos ah ula shaqayn doontaa wasaaradda, waxaana la idin siin doonaa heshiiskii ka dhaxaynayey wasaaradda iyo shirkadihiina, waxana weeyaan heshiis shan sanadood ah, laakiin wasaaraddu waxa ay xaq u yeelan doontaa shirkadii ka soo bixi weyda inay kala noqon doonto, waxaana la idin siin doonaa wakhti wixii qalabka haystaa ay qalabka ku hagaajisan doonaan  wixii aan qalabka haysana ay ku keeni doonaan”.

Guddoomiyaha oo ku dhawaaqaya guulaystayaasha mashruucan ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu ku dhawaaqaynaa go’aankii kama dambaysta ahaa ee 28 shirkadood ku tartamayeen, mashruucaasi oo ah hubinta badqabka gaadiidkii dadweynaha ayaan yeedhinayaa, Hargeysa barigeeda Hass iyo MAT ayaa ku soo tartamay, waxa nasiibku siiyey Hass, MAT waxa ay ilduuftay buuggii ay ka qaateen guddida ma ay soo buuxin shaambadiina kuma ay soo dhufan sidaasi ayuu kaga guulaystay HASS Petroleum, Berbera waxa kuu soo tartamay Hass, ALPHA  iyo Tokyo, waxa nasiibku siiyey APHA Tech, Togdheer sadexda shirkadood ee ku soo tartamay waxa uu nasiibku siiyey Dhoore iyo Alnafoora oo ay ku shuraakoobeen Baashe Dhoore iyo Saleebaan Kulul, Sool waxa ku soo tartamay Hass iyo Alpha waxa nasiibku siiyey Hass, gobolka Sanaag Joko Ram cidi kulama ay soo tartami sidaasi ayuu ku helay, Gobolka Awdal cidi kulama ay tartamin AMAL sidaasi ayey ku halay, cidii cabatin qabta waanu qancinaynaa miiska ayaanu u fadhinaa”.

Agaasimaha guud ee Guddida Qandaraasyada qaranka oo isna madashaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “11 bishii 3-aad ayeynu bilawnay waxa aanu xidhmayay 28 bishii 3-aad, isla 31-kii bishana waxa aynu ku furnay magaalada Boorama”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Insha Allah waxa aanu rajaynaynaa in ALLE hawshaasi inagu guuleeyo inta dhiman ujeedada aynu ka lahayna waxa ay ahayd uun badbaadada dadkeena iyo shilalka sidii loo yarayn lahaa”.

Maxamed Diiriye Xayd iyo Cabdi Faarax oo ka mid ah guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay xuseen faa’iidada uu qalabkani u yeelan doono gaadiidka dadweynaha iyo dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mid ka mid ah shirkadihii laga guulaystay oo ka hadlay sida ay ugu qanacsan yihiin  tartanka ayaa waxa uu yidhi “Waanu ku haniyeynaa waananu ku ducaynaynaa ciyaarina waa iska galin dambe ta dambe ayaanu Insha allah isku soo nidaaminaynaa, iyagana waxa aanu leenahay ALLE ha u barakeeyo”.

Xubno ka mid ah shirkadiihii guuleystay oo iyaguna halkaasi balan qaaday inay hanaan hufan u hubin doonaan gaadiidka dadweynaha.



Leave a Reply

%d bloggers like this: