Dawlada Imaaraadka Carabta oo Bilawday Wadada Marinka Berbera (Berbera corridor), iyo Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo kormeeray

Hargaysa (W. Gaadiidka) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa kormeer shaqo ku tagay halka ay ka socoto bilawga dhismaha marinka isku xidha Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaano (Berbera Corridor) , iyada oo biriishka Dacarbudhuq noqday biriishka mashruucan laga bilaabayo.
Injineerada gacanta ku haya dhismaha biriishkan oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay inay todoba maalmood ku dhamayn doonaan wada ay sida ku meel gaadhka gaadiidku u isticmaalayaan mudada la dhisayo biriishka.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa xusay in biriishyadu muhiimad gaar ah u leeyihiin mashruucan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sida madaxweynuhu sheegay inaga waxa mudnaan inoo ah biriishyada oo ah waana qorshaha qaranka wadaduna waxa ay ka kooban tahay lix qaybood oo qayb ka mid ah tahay biriishyada, shanta qaybood ee kale shirkada waa lagala shaqaynaya si meeshaasi loo dhiso waa in la helaa meel ay dadku sii maraan runtiina si fiican ayey u dhisayaan waxaanay balan qaadeen inay balaadhan doonaan haadka, isla markaana ay si fiican u garaaci doonaan si ay ugu fududato gaadiidka culus ee wadada maraya”.

Badhasaabka Maroodijeex oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Biriishkan waxa la bilaabay 15 March waxa ay socotay maanta ku sadex cisho oo Todobaad ayaa lagu gabo gabaynayaa wadadan ku meelgaadhka ahaanta u isticmaalayaan gaadiidku inta uu socdo biriishku”.
Badhasaabka oo ka hadlaya dhibaatooyinka dooxyada waxa uu yidhi “Dooxyada dhibaatooyin badan ayaa ka dhacay dooxa Awbarkhadle sanadkii 2018 ka 6 gaadhi oo waaweyn ayuu qaaday dadka leh waxbaa la dhagax dhigayaa oo waxba suurtogali maayaan waxaan leeyahay qarankani horumar balaadhan buu ku talaabsaday intii uu jiray”

Badhasaabka Saaxil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Buunadadan aan taaganahay hadaan ahay badhasaabka Saaxil waxa ay ii leedahay qiimo aad u muhiim ah oo waxa ay isku xidhaysaa gobolkayga iyo gobolka Maroodijeex dhibta naga haysata hadaanu reer Saaxil nahayna waa la ogyahay dad badan ayaa waxa ay odhanayaan wax la dhisayaa ma jiraan ee dhagaxaanbaa meelahaasi la iska dhig dhigaa markhaati in loo wada taagnaado oo hadda la inoo sheegay in marka tan la dhameeyo tii kale bilaabmayso aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa”
Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay madashaasi ka hadlay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Laasgeel ayaa xusay muhiimada biriishyadu u leeyihiin isku socodka magaalooyinka, isaga oo tilmaamay in hawlo badan oo u xanibnaanayey xiliga roobabka ay u fududaan doonaan.



Leave a Reply

%d bloggers like this: