Somaliland Oo Shaacisay In Gadiidka Dalka Yaala Sanadkiiba Halmar Tayadooda La Eegi Doono

“waxaan jecelahay in aan u mahad naqo Hay’adda GIZ  oo mashruucan ay  nala wado ee la yidhaado SRM-ka, waxaa iminka naloo keenay 12 mishiim oo loo yaqaan  (weighbridge ), 12 mishiim waxa lagu eegayaa miisaanka culayska uu sido gaadhigu. Wasiir Abdilaahi Abokor

 

Hargaysa (Wasaaradda Gaadiidka)  Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo si gaar ah ula hadlaayey  Talafayshinka Saab Tv, ayaa sheegay in ay si fiican uga socoto Xarumaha Wasaaradda Gaadiidka ee Dalka bedalista Sumadda Gaadiidku , in kasta oo sida uu sheegay Wasiirku, aan sidii la rabay aan loo wada qaadan mudadii ay socotay, isga oo shacabka fariin u diray: “  wakhtigii aanu ku dhawaaqnay shaqadan  bedalida  Gaadiidka 11 bishii September 2018 kii, qorshuhuna waxa uu ahaa mudo lix bilood ah Gaadiidka Somaliland lagu badalo (Plate Number)  kuwa cusubna lagu dhaqan galiyo, markaa alxamdulilaah si fiican ayey u socotaa shaqadaasi , dadweynihiina si fiican ayey u qaadanayaan lixda Gobol ee waaweynba ha ku kala badnaadaane, markaa iminka meel fiican ayey marayasaa, laakiin waxaad moodaa wali inaanan gaadhin halkii aanu rabnay, waxanay ku egtahay 10 bishaa March  lixdii bilood, ilaa 20000 oo gaadhi ayaa loo bedalay  Sumadda”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi: “ waxaanu rajaynaynaa marka hore may jirijirin nidaam gaadhigu  Dalka kuu soo galo iyo nidaam uu Dalka kaga baxo ama hala iibsado ama gaadhigu dhaqis ka bax ha noqdee, laakiin iminka waxaa sugnaanaaya gaadhi kasta wakhtiga uu soo galay,  wakhtiga uu ka baxaayo,  iyo sabab uu uga baxaayo , sidoo kale xeer ayaa waajibinaaya shanti sanoba mar in la diwaan galiyo gaadiidka dawlada “.

Wasiirka oo ka hadlaaya culayska ama qaadista xamuulka  Gaadhiga, ayaa sheegay in ay sanadkan keenidoonaan mishiimo lagu miisaamayo Gaadiidku marka ay raranyihiin, oo hadii ay dhaafiyaan Xadiga Culayska loogu talo galay ay ganaax mutaysan doonaan, waxaanu yidhi Wasiirku:- “waxaan jecelahay in aan u mahad naqo Hay’adda GIZ  oo mashruucan ay  nala wado ee la yidhaado SRM-ka, waxaa iminka naloo keenay 12 mishiim oo loo yaqaan  (weighbridge ), 12 mishiim waxa lagu eegayaa miisaanka culayska uu sido gaadhigu, oo culayska gaadhigu dhibaatada uu leeyahay waxa weeye, wadooyinka hadii aynu samayno, oo aynan dayactiraynin, hadhow waxa dhacaaya  in Wadooyinkaasi ay burburaan, oo ay si dhakhso ah u buburaan, markaa 12 mishiim ee qalab ee aanu ku talo galnay in lagu cabiro Gaadiidka, waliba Gaadiidka Itoobiyaanka ee noo yimaada, inta   badan waxaa dhacda in culayskoodu tan dhaaf yahay.”

Ugudanbayantii Wasiir Cabdilaahi waxa uu sheegay in ay dhawaaan daahfuridoonan qorshe baadhis Sanadle ah  loogu samaynayo,  si loo hubiyo tayada Gaadiidka Somaliland ka hawlgala,:- “ waxaa imminka qorshaha Wasaaradda ka mid ah in la sameeyo waxa loo yaqaan MOT, MOT.



Leave a Reply

%d bloggers like this: