Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jiidadka Ayaa Qalab Ay Ku Aqosan Lahayen Xogta Card Ka (Buuga) Gaadhiga Ku Wareejiyey Ciidanka Nabad Galyada Wadooynka Somaliland

Hargaysa (W Gaadiidka) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ku wareejiyey aqalabkii lagu la socon lahaa ama lagu hubin lahaa Card ka (Buuga, ) Gaadhiga oo dhawaan ay casriyn ku samaysay Wasaaradiisu, kulan kan ayaa wax aka qayab galay Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidnaka Booliska, Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa waxa uu si  qoto dheer u sharaxay qalabkan, waxaanu yidhi:- “waxaan isleeyahay qalabkani wax fiican ayuu ka qaban doonaa mustaqbalka dhow in aynu xog fiican ka helno xaga Gaadiidka sida ay inoo muujisay warbixinti  ugu danbaysay October oo kali ah Dalka waxa soo galay 1164 Gaadhi, waxa ii ama kala wareejini ku dhacday 45 Gaadhi, waxa laba jeer loo sameeyayna 15, way adkaan jirtay xogta noocan oo kale ah, laakiin iminka wax ka yar 5 minid  ayeynu xogtaa ku helaynaa, iminka lixda gobo lee Somaliland adeegani wuu ka shaqeeyaaa maanta xogtii gaadhiga waad helaysaan waxaad helaysaan xogtii shaqsiga , adeegani kama shaqayandoono uun buugaagta waxaanu ku xidhidoonaa isna Aqoosigii (driving license).”

 

Ayaan C/casiis Maxamed Agaasimaha Waaxda Liisamda iyo Buugaagta Gaadiidka oo halkaasi ka hadshay ayaa tidhi:- “ciidanka nabadgalyada wadooyinka waxaanu maanta ku wareejinaynaa qalab ay nugula wadaagi karaan oo ay xogta kaadhka gaadhiga ku neli karaa.”

Kabtan C/laahi Shide Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka iyo Sareeyo Guuto Daahir Cali Wacays Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska ayaa dhankooda waxa ay sheegen: – “arintani waa arin aad u muhiim ah oo haruu marweyn ah oo Wasiir C/laahi Abokor Cismaan iyo Tiimkiisu, Wasaaradiisu aad ugu mahadsan tahay sababtoo ah waa arin loo baahnaa, anaga ka ciidan nabadgalyo wadooyin ahan waxay arintani naga caawinaysaa hawlo aad u tiro badan, shilalka oo kale way naga caawinaysaa.”

“anagu ka ciidan ahaan aad iyo aad ayaan ugu bognay hawshaasi, waxay noqonaysaa in aanu si sahal ah u helno, gaadhiga hadii lala baxsado haduu shil galo”

 

Jaamac Xaaji Axmed Badhasaabka Gobolka Maroodijeex ayaa isna sheegay in qalabkani waxweyn ka tari doono adkaynta Nabadgalyada Wadanka.



Leave a Reply

%d bloggers like this: