Wasiirka Gaadiidka Oo U Furay Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Iyo Hawlwadeenad Wasaaradiisa Tababar La Xidhiidha Sumadda Cusub Ee Gaadiidka Somaliland

Hargaysa (W. Gaadiidka) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa tababar u furay hawlwadeenada Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka, tababarkan ayaa la xidhiiha sidii ay labadan dhinac wax badan uga ogaan lahaayen Lanbarkan cusub ee gaadiidka una wada shaqayn lahayen.

Wasiir Abokor oo faahfaahinaya Tababarkaasi ayaa waxa uu yidhi:- “ maadaama aad ogtihiin in aynu bedelnay Sumaddii Gaadiidka Ciidanka Boolisku waa Hay’adda u qaabilsan Nabadgalyada Wadooyinka, Sumadduna waxay waxbadan ka caawinaysaa shaqadiina in aydin markaa aqoon u yeelataan, waxaan isleeyahay waa arin daruuri ah, horena waanu u sheegnay Sumaddan waxa ku jira xogo qarsoon oo la doonayo in aad idinku ogaataan, si aynu uga fogaano been abuur in lagu sameeyo cida ilaalintiisa u xilsaarani waa Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- “runtii laba tababar weeyaan meeshu mid waxa weeyaan in aad ogaataan Sumaddii waynu bedelnay, Sumadd in aynu bedalnaa xikmada ka danbaysaa maxay tahay, xigmada aynu doonaynaa waxa weeyaan waad ogtihiin Gaadiidka Soomaaliland yimaada intay Soomaaliland jirtay way soo galaan nidaamka ay Dalka uga baxaan xog kamaynu hayn, waxaynu ku dadaalidoonaa in dhamaan Gaadiidka  Soomaaliland jooga ladiwaangaliyo.

Wasiirka ayaa sheegay in tababarka labaad noqon doono mid si gaar ah loo siin doono Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka sidii ay u ogaan lahaayen macluumaadka Gaadhiga shil gaysta si dhakhso ah xogtan oo ku kayadsan Diwaan Galintan Cusub ee Gaadiidka lagu samaynaayo.

Ugu danbayantii Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono casriyanta Aqoosiga Wadida Gaadiidka oo la adkayan doono sida loo qaadanaayo.



Leave a Reply

%d bloggers like this: