Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Xafiiskii Waaxda Gaadiidka Badda Iyo Hawlaha Maraakiibta 30 Sano Kadib Ka Furtay Magaalada Berbera Iyo Muhiimadda Xafiiskani Leeyahay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta  Jidadka Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan  oo ay waheliso wasiiradda Horumarinta Deegaanka ayaa si wadda jir ah xadhiga uga jaray xafiiska gaadiidka badda iyo hawlaha maraakiibta oo wasaaraddu ku yeelan doonto gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera.

Munaasib ballaadhan oo loo qabtay xadhig ka jarista xafiskani waxa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan wasaradda iyo maamulka gobolka Saaxil.  Mas’uuliyiinta ka soo qeyb galay xadhig ka jarista xafiiska gaadiidka badda iyo hawlaha maraakiibta waxa ka mid ahaa; agaasimaha gaadiidka badda ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jaamac Maxamed Cabdi, Taliayha guud ee ciidama ilaalada xeebaha Somaliland, badhasaabka gobolka Saaxil, iyo mas’uulinyiin ka socotay dekadda magaalada Berbera iyo weliba  khuburro in muddo ah ka soo shaqeynaysay arrimaha badda.

Munaasibada furitaanka xafiiskan waxa ugu horeynba ka hadlay agaasimaha waaxda gaadiidka badda ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jaamac Maxamed Cabdi waxaanu sheegay in xafiiskani muhiimad weyn leeyahay gaadiidka isticmaala badda Somaliland “…waaxdani waxay dhisaysaa dhammaan xeerarka iyo shuruudaha ku saabsan gaadiidka baddaheenna iskaga gooshaya, in ay wasaaraddu Inspantion-gareyso oo ay eegto gaadiidka dhammaan dalkeenna imanaya ee dekaddeheenna iyo baddaheenna isticmaalaya.” Ayuu yidhi.

 

Ganacsato iyo saraakiil ku xeel dheer arrimaha dhinaca badda oo iyaguna hadalka iskaga kala danbeeyey waxay soo dhaweeyeen xafiiskani oo ay sheegeen in muddo badanba baahi weyn loo qabay. Geesta kale taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Adm. Axmed Xirsi oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay waxa uu si weyn u soo dhaweeyey waaxdani oo uu sheegay in ciidamada badda ay ka caawin doonto wax badan gaar ahaan xeerkii qabanayayey ciidamada badda isaga oo tilmaamay in ciidamaduna xeerkaasi ku dhaqmi doonaan. Waxa uu xusay in gaar ahaan isga farxad wayn maanta u tahay xafiiskani cusub ee ay furtay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan oo isna munaasibadda ka hadlay waxa uu sheegay in waaxdani cusub ee ka shaqeyn doonta gaadiidka kala duwan ee isticmaala badda Somaliland ay aad u soo dhaweynayaan ka maamul ahaan, isagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan isaga oo hadalkiisa sii wattana waxa uu  xusay in qalabka ay ku hawl geli doonaan waaxdani dhawaan si dhokhso ah loogu keeni doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Sahal Maxamed Jaamac  ayaa sheegay insna in baddu ay u baahan tahay ilaali xooggan “…waa trafic-gii badda (waaxdani) ilaaladuna waa ciidankaasi. Siyaasad ahaan ayay wasaaraddu u qaabilsan tahay waaxdeeda gaadiidka badda. Waaxaha wasaaradda ayay ka mid tahay.” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka wasaaraddaasi.

Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland oo iyadu si gaar ah u aragtay faa’iidada ku jirta furitaanka xafiiskan sidoo kale waxa ka hadlay Shukri Xaaji Baandare wasiirka wasaaradda horumarinta deegaanka oo goob joog ka ahayd munaasibadan waxay tilmaamtay in ka deegaan ahaan ay soo dhaweynayaan waaxdani iyo xafiiskan cusub ee maanta la furay waxaanay sheegtay in badda ay ka ilaalanayaan wixii qashin iyo dhib u keenaya ka maamul wasaarad ahaan. Wasiir Shukri waxay sheegtay in shaqada tooska ah ee ay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ay kow ka tahay xafiiskaasi la furay oo ay sheegtay in ay wax badan iska kaashan doonaan.

Ugu danbeyntiina waxa munaasibadani hadal ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo sheegay in xafiiskani ay shaqadiisu tahay ka warhaynta badda, waxa uu sheegay oo kale in xafiiskani sharci ku shaqeyn doono isla markaasina ay maamuli doonaan  maraakiibta kala duwan ee ku soo xidhanaysa dekadda magaalada Berbera iyo sidoo kale amniga guud ee badda.  “…waa markii koobaad ee muddo 27 sanno ah xafiis noocan ah oo kale uu ka shaqeeyo dalka Somaliland – khabiiradii ka taliyey  dowladdeenan cusub waxay garteen inay muhiim tahay gaadiidku in uu noqdo wasaarad gaar ah. Waanna wasaraddaha ugu waaweyn ee caalamka jira.” Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii watta waxa uu sheegay in xafiiskani ay garteen in muhiimad wayn u leyahay badda Somaliland.

Cabdilaahi Abokor waxa kale oo uu ka sheekeyey tariikhda dheer ee uu xafiiskani. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan gaar ahaan waaxda qaabilsan gaadiidka badda ay tababari doonaan khuburrada baddeenna.

Gebogabadiina xafiiskan ayaa noqon doona mid ka shaqeeya hubinta gaadiidka kala duwan ee isticmaalaya badda Somaliland bad qabkooda, waa markii ugu horeysay ee xafiiskani Somaliland laga furo. Waxaana la rajeynayaa in xafiiskani wax weyn ka tari toonna ilaalinta badda Somaliland iyo sidoo kale in si fudud loola socda gaadiidka isticmaalaya badda Somaliland.

Allaa Mahad Leh



Leave a Reply

%d bloggers like this: