Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Iska Kaashanaaya Dayactirka Wadada Gabiilay Ilaa Hargaysa

Hargaysa (Wasaaradda Gaadiidka) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Dawladda hoose ee Hargeysa waxa ay si wada jir ah iskaga kaashadeen inay dayactiraan waddada muhiimka ah ee u dhaxaysa magaalooyiinka Hargeysa iyo Gabiley, waddadaasi oo meelaha qaar ay godad yaryar hadda isku badaleen Godadwaaweyan oo Baabuurrta dhib ku haya ama sababi kara in ay gadoomaan .

Masuuliyiin ka hadlay goobta waddada laga dayactirayo ayaa dhamaantood qiray dhibaatada waddadani ku hayso gaadiidka iyo shilal badan oo ka dhacay.

Ugu horayn waxa goobtaasi ka hadlay maareeyaha Hay’adda Horumarinta Jidadka Cismaan Sh. Cabdi:-“Maanta in la bilaabo dayactirka waddada u dhaxaysa Hargeysa iyo Kalabaydh, waddadaa in si deg deg ah amma dhiig joojin ah ama amerjansiya ayaan u dayactiraynaa, sida uu qorshuhu yahayna waxaanu bilaabi doonaa inaanu saarno Carbetk-ka, dayactirkaasina waxa uu dhamaystir u noqonayaa inaanu si fiican uga shaqayno bishan soo socota ee Ogos bilowgeeda.”

Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Caydiid (Solteco) ayaa isna yidhi:-” Waxaan annaguna u mahadnaqnaa warshada iyadoo u baahan shaqo badan in madaxweynaha, wasiirka iyo maareeyuhuba go’aansadeen in dawladdu la shaqayso warshadaa oo dhismaha laga qaato warshada lagu dhisayo waddooyinka, aad baan ugu mahadnaqaynaa, annaguna dawlad ahaan maadaama ay tahay dawlayadii inta badan baanu Insha Allah ku darsaynanaa”

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan X. Axmed   oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi:-“Annaguna waxaanu aad ugu faraxsanahay haddaanu nahay maamulka gobolka Gabiley baaqii iyo qayladii aanu u dirnay wasaaradda iyo hay’addaba inay si deg deg ah uga soo jawaabeen oo nala qaateen, balantii ay qaadeena ay maanta ka dhabeeyeen”

Wasiirka Gaadiidka iyo   Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cismaan  ayaa ugu dambayn isna sheegay:-“Runtii waanu ku faraxsanahay maanta inaynu bilowno mashruuca dib u habaynta waddada Hargeysa to Kalabaydh, waxaanu rajaynanaa in dayactirkani noqdo mid Insha Allahu noqda mid hore loo dhameeyo, waxaana inoo soo socda laba mashruuc oo kusoo socda waddadan, mashruuc aynu rajaynayno inaynu bilowno bishan Ogos oo aynu saarno leeyar dhamaystiran Hargeysa ilaa Kalabaydh oo hay’adda GIZ ee dawladda jarmalku innaga caawinayso iyo mashruucii waynaa ee Berbera colidor oo Imaaraadku innaga caawinayo, waxaase khasab noqotay markaanu helnay xog badan oo ah in waddadan shilal badani ka dhacaan,labadii bilood ee u dambeeyay waddada Hargeysa iyo Berbera waxa ka dhacay 54 shil waxa kasta ka qaalisan nafta bina’aadamka, sidaa darteed waxaanu go’aansanay in la sameeyo dayactir deg deg ah oo u dhaxeeya Hargeysa iyo Kalabaydh, Insha Allahu waxaanu jecelnahay in hawshaasi si dhakhso ah innoogu dhamaato.

Warkan oo muuqaala hoos ka daawo.



Leave a Reply

%d bloggers like this: