Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Dayactir Ku Samaysay Wadadda Isku Xidha Laascaanood Ilaa Tukaraq

Laascaanood (Wasaaradda Gaadiidka) Masuuliyiinta Gobolka Sool ayaa maanta kormeer ku tagay   dayactir lagu samaynayo waddada laamiga ah ee  deegaanka Tukeraq.

Waddadani ayaa dhibaato wayn ku haysya gaadiidleyda iskaga kala goosha magoolyiinka Garoowe iyo Laascaanood.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta kormeeray waddadaasi iyagoona sheegay in xukummada Somaliland dayactir dhamaystiran ku samaynaso dhammaan waddooyinka burburay ee ku yaala inta u dhaxaysa deegaanka Tukeraq iyo Laascaanood.

Eng: Cali Xusseen oo kamida hawl wadeenada ka shaqaynaya waddaasi ayaa yidhi:” Inta u dhaxaysa Tukeraq shishadeeda ilaa Laascaanood shaqadeeda waxaanu bilownay 23/6/2018, fayskii koowaad ayaanu ku jirnaa, waxyaabo badan baanu qabanay,haddeer waxaad moodaa waxoogaa xaalxaal ah iyo buundooyin aanu jarayno maahane intii kale badankeedii aanu qabanay,waxa shaqada ku jirta meelo ka sareeya  togagii biyaha ee sababay in laamigu go’o oo aanu ku xidhayno gabyano shaqadiina ay ka socoto oo aad arki doontaan Insha Allah, hawshan waxa maskax badan galiyey in badan bay waddooyinku go’naayeen madaxweynaha iyo wasiirka horumarinta waddooyinka iyo maareeyaha waddooyinka, markii ay arkeen dhibaatada intaa leeg waxa ay ka fursan waayeen in si deg deg ah wax loo qabto waddooyinka”

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka gobolka Sool ayaa halkaasi ka hadlay:

“Goobtaan aaan ku suganahay waa gobtii uu ka socday dhismihii waddadii waynayd ee isku xidhaysay magaalooyinka Tukeraq iyo Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool oo dhismaha laga soo billaabay 23/62018 maanta ay tahay 3/7/2018 sidaad u jeedaan waxa gabo gabo ah fayskii koowaad ee waddada oo ah intii magaalada koonaheeda ilaa koonaheeda kale ee magaalada Tukeraq”

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa isna yidhi:

“Biyaha amma roobkii da’ay ee raxmaadka ahaa waxa ay kasoo bilaabmatay Tukeraq koonaheeda xaga bariga waxaanay maraysaa halkan aynu hadda taaganahay, waxaanay sii socon doontaa ilaa iyo Gambadha shishadeeda waana 5 kiiloo mitir oo meelo kala duwan laga samayn doono”

warkan oo muuqaal  ah hoos ka daawo.



Leave a Reply

%d bloggers like this: