Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Ayaa Dugsiyada Lagu Barto Wadista Baabuurta Iyo Iskaashatada Gaadiidka Ka Dalabtay Ruqsadooda Sharci Ee Ay Ku Hawlgalaan

Hargaysa (W. Gaadiidka ) Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ka duulaysa waajibaadka iyo xilka ay qaranka u hayso ayaa soo saartay shuruuc la xidhiidha dugsiyada lagu barto baabuur wadista iyo iskaashatooyinka gaadiidka.

Agaasime waaxeedka gaadiidka ee wasaaradda Mudane Maxamed Axmed Sugaal oo arrimahaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Wasaaradda gaadiidka iyo horumrinta jidadku iyada oo ka duulaysta waajibaadka saaran, waxa ay dhammaan faraysaa dugsiyada lagu barto xirfada darawalnimada in muddo afar iyo toban cisho ah oo ka bilaabmaysa 1 Bisha July ay dhammaan sharciyadoodii iyo liisankoodii keenaan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Waxa la farayaa dhammaan iskaashatooyinka gaadiidleyda ee u kala goosha gobolada dalka oo dhan iyo dalalka jaarka inay iyaguna keenaan sharciyadooda si loo hubiyo”



Leave a Reply

%d bloggers like this: