Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Kormeeray Wadooyinka Ay Waxyeleeyen Roobabku

Berbera (W Gaadiidka) Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soamliland C/laahi Abokor Cismaan oo uu weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil  Eng Axmed Cismaan Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Wadooyinka ayaa kormeer indhoindhayan ah ku tegay Wadooyinka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera oo ay waxyeleeyen Roobabkii  dhawaan ka da’ay deegaamadaasi.

Waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Wasiirka Badhasaabka Gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii, “ waxa aynu soo marnay hada oo aynu soo aragnay Buundooyinkii daadadku wax yeeleen oo adigana safarkaagan ugu muhiimsanaa in aad u kuurgasho, Jidadkii iyo Buundooyinkii iyo meelihii Daadadku waxyeleeyen .”

Wasiirkka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sheegay in Roobabkan Somaliland ka curtay aan la arag noocooda mudo dheer, waxaanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaaya:- “ waxa da’ay Roobkii ugu weynaa mudo 30 sanadood ah sida la qiyaasayo ugu biyaha badnaa, warka na soo gaadhaya ama qaylo dhaanta na soo gaadhaysaana ay sheegayaan dhawar meelood in wadada dhaawac soo gaadhay, markaa safarkayaga waxa ugu muhiimsanaa in aanu xogogaal u noqono, hawshaa kabacdiina sidii wax looga qaban lahaana aanu taladeeda Hargaysa dib ugula noqono, waxaanuna rajaynaynaa dhawarkaa buundo in si dhakhso ah wax looga qabandoono.”



Leave a Reply

%d bloggers like this: