Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Siweyn Uga Qayab Qaadatay Ololaha 15 April ee Dhir Beerista

Hargaysa (W-Gaadiidka) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somliland Cumar C/laahi Aadan ayaa waxa uu ka war bixiyey in maalinta ololaha geed beerista  Somaliland ee dhawaan Madaxweynaha JSL u asteeyay 15 April  sanadkasta laga xuso  Wadanka ay kaga qaybqaaten in baraxda hore ee Wasaarada ay ka sameeyeen dhir beeris .

Ololahan oo ay Wasaaradu kaga qaybqaadanayso sidii kor loogu qaadi lahaa dhirta lagu beerayo Dalka, waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaaya Agaasimuhu arintaas:- “maanta oo ay taariikhdu tahay 15 bisha April 15, 2018 waxaanu dhirayn ku samaynay Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Xarunteeda, anaga oo barxada hore sida aad soo aragteen dhirayan ku samaynay, sidoo kale waxaanu hore bilic iyo dhirayanba ugu samaynay gudaha Wasaarada, anaga oo marmar cusub dhignay, Wasaarada dhismaheedana dayactir ku samaynay, anaga oo ka duulayna oo ka jawaabayna baaqii Madaxweyaha JSL ee ahaa maalita 15 April ee maalinta dhiraynta Dalka laga dhigay, anaga oo baaqaas ka jawaabayna, in aanu saaka arintan samaynay horena aanu dayactirkaa Wasaarada u samaynay iyada oo ay kujirtay wax qabadkii 120 casho anaga oo fulinayna Siyaasada Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.”



Leave a Reply

%d bloggers like this: