Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka oo Markii ugu Horaysay Xafiis Waaxda Gaadiidka Bada ah ka Furtay Degmada Maydh

Maydh (W. Gaadiika iyo Horumarinta Jidadka) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Sayid Cumar Cabdilaahi oo maalmihii u dambeeyey kormeer shaqo ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaanu booqday xarunta wasaaradda Jidadka iyo horumarinta  ee Gobolka Sanaad, iyada oo ay xaruntaasi ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta wasaaradda ee gobolkaasi u qaabilsan, iyaga oo uga waramay baahiyaha xarunta ay wasaaraddu ku leedahay gobolka Sanaag.

Agaaasimaha ayaa waxa uu sidoo kale safarkiisa ku gaadhay degmada Taariikhiga ah ee Maydh, isaga oo halkaasi ka soo daahfuray xafiiska gaadiidka  badda, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey maayarka degmada Maydh Xuseen Cabdiraxmaan Sh. Siciid iyo Ismaaciil Maxamed Yuusuf oo ka mid ah madaxda ciidanka ilaalada Xeebaha Saldhiga sadexaad.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka oo safarkiisa ka warbixinaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu la kulmi doonaa guddida dib u dhiska wadada Tabca oo halkan ay xarun u tahay oo  hawl iskaa wax u qabso ah ka soo waday oo ah waddo aad iyo aad u taariikhi ah muhiimna u ah gobolka Sanaag oo barriga iyo xeebta isku xidhaya maadaama oo ay wasaaraddu tahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxaananu isla eegi doonaa sida ugu  dhow ee ay u wada shaqayn doonaan wasaaradda iyo guddidu, waaanan u mahadcelinaya masuuliyiinta na soo dhaweysay xafiiskii wasaaraddu ku yeelanaysay degmada Maydh wada shaqayn dhaw ayaananu Insha Allah la yeelan doonaa laamaha amniga”.

Maayarka Degmada Maydh Xuseen Cabdiraxmaan Sh. Siciid oo soo dhaweynta agaasimaha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa degmada Maydh nagu soo booqday agaasimhii ugu horeeyey ee xukuumadda cusub oo ah agaasimaha gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cumar Cabdilaahi, agaasimaha iyo weftiga kale ee la socdaba waanu ku soo dhaweynaynaa degmada Maydh, waananu la shaqaynaynaa”.

Isaaciil Maxamed Yuusuf oo ka mid ah madaxda ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa isna waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya soo dhaweynta agaasimaha “Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka waxaanu leenahay Degmada Maydh waa degmo taariikhi ah waana degmadii laga unkamay ku soo dhawoow wax qabadna waad u sidaa runtii anaguna waanu kugu soo dhaweynaynaa oo waanu kula shaqaynaynaa hadaanu nahay ka ciidan ahaan iyo hadaanu nahay ka degmo ahaanba”.

 

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: