Wasiirka Wasarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Dib U Bilaabay Wadada CEERIGAABO.

Maanta waxaanu u taaganahay in aanu dib u bilawno Mashruucan, sidaa hore loo sheegay 40 KM weeye ayaanu dhisi doonaa insha Allaahu mudo 4 bilood ah intaa waxaanu u samaynayi, maamulkii iyo qaab xisaabeedkii Mashruucan, sidoo kale waxaanu u samaynay in uu wakhti go’an socdo, taasi waxa ay inoo sahlaysa in aynu ogaano wakhtiga aynu insha Allaahu Wadadan ku dhamayan doono, waxaanu is leenahay qofku marka uu yimaado, wixii uu u arko in ay wax kordhinayan in uu kordhiyo, in aanu dardar galino ayuunbaanu u jeednaaye, lakiin isbadalkan Maamul ee aanu ku samaynay maaha in aanu kuwii hore dhaliilayno, waanu u mahad naqaynaa, sabtoo ah shaqo badan ayey qabteen, Wasiiradu shaqo badan ayey qabteen, Maareeyayaashu shaqo badan ayey qabteen . Wasiirka Gaadiidka iyo Haruumarinta Jidadka

https://youtu.be/F5dvZbRGD5w

 



Leave a Reply

%d bloggers like this: